Haweenwaynaha Xisbiga Waddani Ayaa Hadimo Sharafeed Ku Maamuusay Garabkii Haweenka Ee Degmaa Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd Ee Dhawaan Ku Soo Biiray Xisbiga Waddan

Haweenwaynaha Xisbiga Waddani Ayaa Hadimo Sharafeed Ku Maamuusay Garabkii Haweenka Ee  Degmaa Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd Ee Dhawaan Ku Soo Biiray Xisbiga Waddani .

image

 

Haweenwaynaha Xisbiga Waddani Ayaa Manta Hadimo Sharafeed U Sameeyay Garabkii Haweenka Ee Degmada Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd Ee Dhawaan Ku Soo Biiray Xisbiga Waddani .

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaan Halkaasi Ugu Horeen Ka Hadashay Aamina C/Laahi Kaahin Oo Ku Hadlaysay Afka Haweenka Ku Soo Biiray Xisbiga Waddani Waxaana Ay U Mahadnaqday Garabka Haweenka Ee Xisbiga Waddani Sidaa Ay U Soo Dhaweeyeen Isla Markaana Ay U Sharfeen Waxaana Ay Sidoo Kale Ka Warrantay Sida Ay Hiil Iyo Hooba Ay Ula Garab Taaganyihiin Xisbiga Waddani Iyadoo Sheegtay In Halka Ay Taageertay Ay Waligeedba Guuleesato Waxaana Ay Sheegtay In Xisbiga Waddani Uu Guuleesandoono .Waxaa Ay Sidoo Kale Ay Eedeemo Culus Dusha U Saartay Masuuliyiin Ka Tirsanaa Xaqsoor Oo La Sheegay In Ay Kulmiye Ku Biireen Iyadoo Sheegtay In Ay Aad Uga Xunyihiin Sidoo Kalena Waxaa Ay Carrabka Ku Adkeesay In Ururkii Xaqsoor Aanu Dhicin Balse La Dhacay Iyadoo Halkaasna Ka Cadeesay In Gudoomiyihii Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac Uu Isna Ku Soo Biirayo Xisbiga Waddani Iyaguna Ay Uga Soo Horeeyeen Uun .

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa Iyaduna Halkaasi Ka Hadashay Aamina Aw Muuse Oo Ka Mid Ah Iyaduna Garabka Ku Soo Biiray Xisbiga Waddani Ayaa Iyaduna Hadalkeedi Ku Bilawdan “Waddani Waanu Jecelnahay Aad Iyo Aad Ayaan U Jecelnahay Waa Hogaamiye Daacada Waa Hogaamiye Usluub Leh Waa Hogaamiye Qunyar Socoda Kolkaa Waanu Ku Biirnay Intayadii Kalena Waa Ku Soo Socotaa Waddani “

 unnamed

Waxaa Intaasi Ka Dib Halkaasi Ka Hadashay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Garabka Haweenka Xisbiga Waddani Caasha Maxamuud Iyadoo U Hambalyeesay Haweenka Degmada Axmed Dhagax Iyo Gobolka Waxaan Hadalkeeda Ku Bilawday Sidan ”  Aad Iyo Aad U Soo Dhaweenaya Haweenka Degmada Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd Una Hambalyeenayaa Waxaanan Leeyahay Manta Xaqiini Helaysaan Manta Xisbigii Wax Idin Tari Lahaa Ee Wixii Ayduun Hibanayseen Idiin Siin Lahaa Helaysaan Waxaa Tihiin Xaafada Kaliya Ee Maroodi Jeex Ee Wadaninimada Dhabta Ahi Ku Jirto Markaa Aadbaaan Idin Soo Dhaweenayaa Waxaanan Idinka Rabnaa Firfircoonidii Ayduun Lahaan Jirteen ”Ayay Tidhi Gudoomiyaha Maroodijeex Ee Garabka Haweenak Xisbiga Waddani .

 

Waxaa Iyaduna Halkaasi Ka Hadashay Xildhibaan Baar Oo Ka Mida Xisbiga Waddani Ayaa Iyaduna Hadalo Soo Dhaween Ah Halkaasi Ka Tidhi Iyadoo Ku Boorisay Haweenka Xisbiga Ku Soo Biiray In Ay Talada Xisbiga Iyo Waxkastoo Ay La Xidhiidha Hawlaha Xisbiga Ay Ka Wada Shaqeen Doonaan .

 

Waxaa Iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Masuuliyiin Ka Tirsan Haweenwaynaha Xisbiga Waddani Ayaa Dhamaantood Waxaa Ay Si Isku Mid Ah U Tacsiyadeeyeen Dadkii Ku Dhintay Mudaharaadkii Rabashada Wattay Ee Ka Dhacay Burco Sidoo Kalena Si Laab Furan U Soo Dhaweeyey Garabka Haweenka Ee Degmada Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd .

Waddani  Media