Hayada HAAD iyo Mahadnaqa HEADO

Hayada HAAD iyo Mahadnaqa HEADO

unnamed

Hayada khayriga ah ee ka howl gasha miyiga Somaliland iyo Kilalka shanaad ee loo yaqaan Horn of Africa Action and Development (HAAD) ayaa beryahanba aay ka dhaxaysay hayada Horsead East Africa Development Organization (HEADO) wada shaqayn wacan. Waa hayad caalami ah oo ku takhakhusta agoomaha, barakacyaasha iyo danyarta guud ahaanba.

Hayda HAAD ayaa ilaa shantii sano ee u danbaysay waxay ku howlanayd sidii aay wax uga qaban lahayd qaybaha Waxbarashada iyo Caafimaadka khaasatan degmooyinka miyiga iyo reer guuraagaba. Sanadkan bilowgiisii ayaanu guda galay mashruucii ugu danbeeyey oo aanu hada faraha ku hayno. Sanadkan waxaanu dooranay in aanu degmada Xagal ee Saaxil aanu ka qayb qaadano dhismaha dugsi iskuul sare oo halkaa laga wado. Waxaanu aad u soo dhawaynaynaa cid kastoo nagala qayb qaadanaysa mashruuca dugsiga sare ee Xagal. Degmadu waxay 90km xaga bari ka jirtaa magaala madaxda Saaxil ee Berbera. Waa dhul eerigoan ah oo aan lahayn wado loo maro, adeega bulshaduna aad ugu yar yahay. Ilaahay mahadi haka gaadhee hadana golaha degaanka iyo gobolkuba way dedaalayaan intii karaankooda ah.

Hadii aanu u soo noqdo qodobka maqaalka. Hadii aanu nahay maamulkii, xubnihii iyo taageerayaashii hayda HAAD. Waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeedinaynaa hayada khayriga ah ee HEADO oo dhaqaale lacag ah noogu deeqay mashruuca dugsiga sare ee Xagal. Waa degmo taarikhiga ah oo uu ka soo jeedo aqooyahanka iyo halgamaaga Xaaji Faarax Oomaar. Sida aad ka war qabtaana iskuulo iyo machadyo loogu magac daray, taariikhda Somaliland baal dahab leh kaga jira.

Guntii iyo gabagabadii waxaanu mar kale si milgo iyo sharifi ku jirto si aad iyo aad ah ugu mahadnaqaa ilaa jasaa’i haka siiyee hayda HEADO taageerada iyo taakulaynta aay noo fidiyeen waana mid laysku leeyahay

Wa Bilaahi Towfiiq

Maamulka HAAD