Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Rajadiisa Magacaasibta Raysal-Wasaarenimo Iyo Sababta Khilaafka Madaxda Somaaliya

Buubaa

Dec 8, 2013 Hargeysa(SM) – Siyaasiga Ismaacil Hurre Buubaa, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Raysal- Wasaare kasta oo la soo magacaabo is khilafayaan, taasoo uu tilmamay inay sabab u tahay nidaam la’aanta sharci ee ka jirta Soomaaliya.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo shalay warbaahinta Soomaaliya u waramay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in Raysal-wasaarihii xilka laga qaaday ee Saacid Baarlamaanka Soomaaliya xaquuqdisiii meel kaga dhaceen oo u diideen inuu is difaaco, waxaanu sheegay inay jiraan qaab-dhismeed Baarlamaanku u maamulo arrimahaas, waxaanu yidhi, “Maya ee waxa jira qaab-dhismeed loo maamulo arrimahaas, markaa Baarlamaanku maaha wax ka duwan Baarlamaanka caalamka kale siday u dhaqmaan. Mooshinka cidda keenta ayaa ka hadasha. Haddii mooshinku ka yimi dhinaca xukuumadda, xukuumadda ayay tahay inay soo hordhigto Baarlamaanka oo sidaas u soo hordhigto ay ku qanciso Baarlamanka oo xukuumadda ayaa loo baahan yahay inay ka hadasho.”
Ismaaciil Hurre Buubaa waxa kale oo uu soo dhaweeyay haddii Madaxweynaha dawlada faderaalka Soomaaliya u magacaabo xilka Raysal, wasaarnimo inuu diyaar u yahay xilkaas. “Xaq-dastuuriya umalaha in Madaxweynuhu casilo Raysal-wasaaraha, laakiin talo ayuu ku leeyahay oo uu ku yidhaahdo is-casil. Ciddii xilka u igmatay ayay saaran tahay oo ah Baarlamaanka. Raysal-wasaaraha cusub ee la magacabaayo waxay u talaa Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo aniga haddii arrintaas lay igmado waa masuuliyad culus oo waxaan diyaar u ahay inaan sihufan u guto,”ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Sidoo kale Ismaaciil Hurre Buubaa waxa kale oo uu khilaafka soo noq-noqda ee Raysal, Wasaarayaasha iyo Madxweynayaasha Soomaaliya Soo maray iyo ee ta immika u dabasay ku saleeyay arrin lixdankii markii aynu gobanimada qaadanay la sameeyay, isla markaana waxa uu sheegay in xal loo helayn ilaa asxaab la sameeyo, waxaanu yidhi, “Dadkeenu inta badan tariikhda lama socdaan ee waxay salka ku haysaa 1960-kii markii aynu gobanimada qaadanay ayaa waxay ahayd in Madxweynuhu soo magacaabo Xisbiga aq-labiyada ku hela doorashooyinka ninka u madax ah inuu soo magacaabo, laakiin markii Militarigu naqabsaday waatii lalaabay dastuurkii, markaa waxaynu meesha ku soo beeganay iyadoo meeshii ay jirin wax asxaab ah. Xal loo helimayo arrinta Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha ilaa Soomaaliya gaadho Xisbiyo tartamay oo dadku soo doortay. Haddii midnimadii Soomaaliya soo noqon weydo waxay Soomaaliya noqonaysaa meel sii bur-burta.”

Salaanmedia/Hargaysa