Jaaliyada Somaliland ee UK oo kulan hore looga baran la qatay Wasiirka Arimaha gudaha Cali Maxamed Waran Cadde iyo Mayor ku Xigeenka Cabdicasiis Cagawayne oo ka dhacay badhtamaha London. daawo sawirada kulanka

warancade

London 15Dec13 Kulan Baladhan oo ay soo qaban qabiyeen West London Somaliland Community ayaa  lagu qabtay galbeedka London kulankan oo uu ka soo qayb galay wasiirka Arimaha Gudaha iyo Moyor ku xigeenka magalada Hargaysa  Cabdicasis Xaashi,Safiirka Somaliland UK Cali Aadan  Cawaale,Safiirka Wareega Kaysar Cabdilaahi, Gudoomiyah TV Qaranka UK Cabdi Bacow,Xildhibaano iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

IMG_0026

Wasiirka  oo baryahan ku sugnaa cariga Ingiriiska ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyay ee reer Somaliland ah oo booqosho  ku  yimaada Uk ee inta uu soo hor  fadhiisto jaaliyada  Somaliland ee Uk su aalo toos ah laga waydiiyo isaga oo qof waliba  si toosa su’ashiisa  u waydiinayo wasiirka Cali Maxamed Waran Cade iyo Moyor ku xigeenka Hargaysa. Taas oo dadkii soo jidatay sida hufan ee ay uga jawabeen sualahii la waydiyiey iyo in waliba uu bulshadii ka soo qayb gashay ee goobaha kala duwan  ka yimdi uga  haqab tiro taas oo wax badan ka badashay jaaliyada Somaliland oo baryahan ku mashquulsanayd siyaasad jah wareersan oo   iyaga oo aad u faraxsan kala noqday niyad wanaaaagsan.

IMG_9978

Kulanka  Wasiirka iyo Mayor ku xigeenka caasimada Hargaysa oo noqday isna Mayor ku xigeenkii ugu horeeyay ee jaaliyada somaliland ee Uk si cajiib ah isla markaana ay ka muuqato farshaxanimo qurux badan ugu soo bandhigay wax qabadka dowlada hoose ee hargaysa ay qabatay mudadii yarayd ee ay xilka hayeen taas oo qaabka uu u soo bandhigayay mayorku ay ka sisay Hogaanka Kulmiye ee goobta fadhiyay wax qabadka uu soo jeediyay mayor ka socda xisbiga ay loolanka adag ka dhexeeyo ee Xisbiga  Ucid  kulankan aya waxa aan ka maqnayn xisbiyada Qaranka Somaliland ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid taas oo isku soo dhawaysay marka qaranka laga hadlayo in soo dhawaynta madaxda si hagar la aana loo soo dhaweeyo.

IMG_9981

Gabagabadii ayaa waxay ku soo dhamatay si aad u qurxoon oo aan loo kala hadhin shabakada Salaanmedia ayaa si toosa uga qayb gashay wariyaasheeda ku sugnaa goobta.

Lasoco muqaal Wasiir Warancade oo dhameystiran Insha Allah.

Salaanmedia/London

IMG_0034

IMG_0003 IMG_0005 IMG_0006 IMG_0010 IMG_0014 IMG_0025 IMG_0026 IMG_0029 IMG_0031 IMG_0032 IMG_0041 IMG_0046 IMG_0047 IMG_9972 IMG_9973 IMG_9977 IMG_9978 IMG_9979 IMG_9981 wran