Weriye Mustafe-Jannaale Waxa Uu Dhambaal Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa Agaasimaha Telefiishanka HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig)

Tacsi
Weriye Mustafe-Jannaale Waxa Uu Dhambaal Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa Agaasimaha Telefiishanka HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (ilig) Oo Aabihii Marxuum Cabdi Sheekh Caawa Ku  Geeriyooday  Magaalada Hargeysa. Hargeysa(HWN):- Weriye Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale) ka mid ah,Weriyayaasha ka hawlgala Shabakada Caalamiga ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu dhambaal tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Reer Cabdi Sheekh, gaar ahaan Agaasimaha Telefiishanka HCTV Maxamed Cabdi Sheekh oo A…abihii Marxuum Cabdi Sheekh caawa ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu Marxuumku muddooyinkii ugu danbeeyey bukaan jiif ku ahaa.
Mustafe-Jannaale waxa uu sidaa ku sheegay dhambaal tacsiyadeed oo uu  ku saxeexan-yahay, waxaanu u dhignaa sidan: “Aniga oo ah Weriye Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale),kana tirsan Weriyayaasha ka hawlgala Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska reer Cabdi Sheekh, gaar ahaan Agaasimaha Telefiishanka HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo Aabihii Marxuum Cabdi Sheekh caawa oo ay taariikhdu tahay 13/12/2013 ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa,kadib markii uu Marxuumku muddooyinkii ugu danbeeyey uu ahaa bukaan jiif.  Alle ha u Naxariiste Marxuumku waxa uu ahaa nin wanaagsan, oo dadka jecel, oo ehlu-Salaada, waxaanan ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Marxuum Cabdi Sheekh,  dhamaan Qoyskii, eheladii, asaxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo
. Aamiin………………………Aamiin…………………………Aamiin INA LI LAAHI WA INA ILEYHI RAAJUCUUN”.