Kooxaha Arsenal vs Chelsea Kulanka Caawa oo aad u xiiso badan

Arsenal-Chelsea

Waqooyiga Magaalada London ayaa caawa shidan iyadoo lagu balansan yahay iney ka dhacdo ciyaartii ugu xiisaha badneyd kulamada London Derby marka ay iska hor yimaadan Arsenal vs Chelsea kuwaas oo lagala waregay kaalmihii sare ee horyaalka si wadajir ah.

Arsenal ayaa jiifta booska sadexaad halka Chelsea ay iska hurudo kaalina shaanaad.

Jose Mourinho ayaa ka hor imaan doona ninka habaarka ka qaba inuu guul ka gaaro ee Arsene Wenger kaas oo aan marnaba garaacin macalinka jookada badan ee reer Portugal.

Si kastaba waxaa lasoo caleemeeyay Shan Meelood oo ay ku kala badin karaan hadii ay ka faa’idesytaan xirfadooda ama ay ka faa’ideysan waayaan.

Olivier Giroud vs John Terry:

John Terry Chelsea 008 Arsenal vs Chelsea: Five key battles

Weeraryahanka reer France ayaa hogaamin doona safka weerarka kooxda waxaana sida la filayo lamaan looga dhigi doonaa Mesut Ozil & Theo Walcott waxaase ku naban kabtan John Terry.

John Terry ayaa difaac adag gali doona madama wilkaan dheer uu madaxa halis ku yahay inkastoo Terry qudhiisa aan madax looga shekeynin.

Giroud ayaana Arsenal u sahli kara iney meel saarto Blues halka Terry uu hor istaagi karo Awooda Arsenal hadii U Giroud meel iska saaro kulanka caawa.

Aaron Ramsey vs Ramires

Aaron Ramsey joined Arsen 011 Arsenal vs Chelsea: Five key battles

Farda la isku haayo la iskuma faansho labada wiil ee ugu shaqada badan labada kooxood ayaa caawa isku beegmi doona waxaana madaalaha reer Wales uu ka hortagi doonaa wiilka aan wadnaha laheyn ee reer Brazil.

Lama qiyasi karo xaalada ka dhalan karta isku dhaca labadaas wiil waxaana ay ka mid yihiin meelaha ay labada kooxood ku kala guuleysan karaan.

Hadii Aaron ama Ramires mid ka mid ah uu caawa la kulmo nasiib la’aan ama uu kooxdisa caawin waayo waxaa ay labada kooxood weyn doonaan cudud sare.

Ramires ayaa ku wanaagsan raacashada iyo kubadaha rogaal celiska ah halka Aaron Ramsey uu isna ku wacan yahay weerarka rogaal celiska ah iyo kubada la qiyaano ee tiki-taka la yiraahdo.

Mathieu Flamini vs Oscar

flamini1 2658775b Arsenal vs Chelsea: Five key battles

Inaad meel iska saarto Chelsea waxaa kaa xigta adigoo geed ku xira Oscar oo ah da’yar reer Brazil kaas oo ay adag tahay in la xakameeyo, caawase wuxuu wajahi doonaa wiilka ugu waalan Gunners Flamini kas oo aan jecleen in lagu hor ciyaaro.

Oscar ayaa ah kubad sameeye kubada xariifiya kaas oo diyaar u ah inuu wajaho cid walba oo ka hor timaada sida uu ku cadeeyay EPL-ka hadii uu caawa kasoo fakado shabaqa Flamini Chelsea ayaa maamuli doonta ciyaarta.

Hadiise Flamini uu geed ku xiro Oscar, Jose ayaa ku qasbanaan doona inuu badal ku sameeyo wiilkaan madama uusan jaanis siin kareynin weerarka kooxda.

Bacary Sagna vs Eden Hazard

Eden Hazard Chelsea 008 Arsenal vs Chelsea: Five key battles

Da’yarka reer Belgium ee Eden Hazard ayaa caawa la filayaa in lagu so bilaabo wuxuuna wajahi doonaa daafaca reer France Bacary Sagna oo ka warqaba halista luga Hazard iyo ceebta uu kala kulmi karo.

Hazard ayaa ah wiil xariiftan badan kaas oo mar walba dhan u leexda balse aan la awoodin in kubada laga reebo, waana xidig beegsada goolka sidoo kalan fursad siiya weerarka.

Hadii Hazard uu caawa ku guuleysto inuu jiiro Sagna waxaa fududaan doonta in lagu fataho shabaqa Arsenal madama ay jaanisyo badan heli doonaan Blues.

Hadiise Sagna uu wado cad iska mariyo Hazard isla markaana beeniyo xariiftankiisana, Sagna ayaaba halis gali doona daafaca Blues madama uu wiilkaan leeyahy karoos aad halis u ah.

Per Mertesacker vs Fernando Torres

Arsenals Per Mertesacker 007 Arsenal vs Chelsea: Five key battles

Fernando Torres ayaa caawa wajahi doona Per Mertesacker oo ah daafaca ugu dagan kooxda ahna hogaamiyaha sadexaad ee kooxda, Torres ayaan looga baran inuu ciriiriyo daafacyada balse kadib imatinkiisa Mourinho ayaa ka dhigay inuu shaqo wanaagsan qabto isla markaana uu jiiro daafacyada.

Si fudud laguma gudbo Mertesacker oo uu caawinayo Koscielny waase furaha ugu muhiimsan ee ay labada kooxood ku kala badin karaan.

Hadii Torres uu cadaadis saari waayo Mertesacker wuxuuba daafacaan halis galin doona goolka Arsenal.