Maamulka Jubba oo amar Culus kusoo rogay Kooxaha Mucaaradka ku ah iyo Qoysaskooda kusugan Kismaayo.

Maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ayaa amar culus kusoo rogay xubnaha Mucaaradka ku ah Maamulkaasi iyo qoysaskooda kusugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Kismaayo2

Sargaal sare oo katirsan Maamulka Jubba oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in amar kusoo rogeen Xubnaha Mucaaradka ku ah Jiritaanka Maamulka Jubba waxa uuna xusay in aan marnaba loo dul qaadan doonin dadka kasoo horjeeda Maamulkooda iyo nabad galaya Deegaanada ay maamulaan.

Maamulka Jubba ayaana ku amray in si deg deg ah uga baxaan Magaalada Kismaayo Xubnaha Mucaaradka ku ah Maamulka Sheekh Axmed Madoobe iyo Qoysaskoodaba hadii kale laga qaadi doono tilaabo adag.

”Uma dulqaadan doono in Magaalada Kismaayo ay joogaan kuna noolaadaan Dadka Jubbaland Diidka ah iyaga iyo qoysaskoodaba waxaana ku amraynaa in ay si deg deg ah uga baxaan Magaalada Kismaayo ” ayuu yiri Sargaal katirsan Maamulka Jubba oo uga Waramay Warbaahinta amarka ay soo saareen.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Col.Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa xusay in amarka ay soo saareen Dhinaca Axmed Madoobe aysan saameyneyn ayna joogayaan Magaalada siina kordhinayaan qal qalgalinta Maamulka Sheekh Axmed Madoobe.

Maamulka Sheekh Axmed Madoobe ayaa horey loogu eedeeyay in tacadiyo iyo dhibaatooyin badan ku hayaan dadka ay u arkaan in Maamulkooda aysan taageersaneen ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

Salaanmedia/Mogdisho