Maanso cusub….HADAF

1/12/95

Hadaf

gabayMOHOLIN

Halis  weeye  doqonii madaad

Hay sataa abide

Hayin kaaga geediga nin kii

Holan ka tab siiya

Hayaan kaan dhammaan iyo abaar

Kugu horse daaya

Heel kii barwaa qiyo xareed

Kuugu furin heeryo

Hadal aa wadaag taan marnaba

Ku hindi soonaynin

Himilada waxaad doonaysiyo

Tiisu kala haabe

Qasab kaa horaa looga maray

Haatan dunidiiye

Hiyigii digtaatoor ayuu

 Hadhay warkiisiiye

Hiltar kii anaa talina yaa

Haan ka loo jaraye

Hogtie sii nin doon doona yaw

Maad habeen jirine

..

Hallaw iyo waxay wada yihiin

Shicibki heehaabe

Habar habar kolkii loo fur furay

Hiishan kari waa ye

Halyey iyo intii geesi baxay

Hooyo iyo maati

Hoobiyuu dhammee yiyo

Hawser iyo taangi

..

Halaagani siduu kuugu yimi

Hubi maddoo naane

Habeen kiyo dhyaraar taysku mida

Mana hurdoo daane

Heer kii tacliin waxa ugalay

Heer qabyaa ladahe

Hoygiyo guryii ay lahayd

Waa habaas dumaye

Hantidooda goortay ba,shaan

Waa higsada faane

Ka hanjabay  kakale ee hibtiyo

Kooda hurinaaya

Iyo halalo kaa dhaaf sadee

Uu hunguri qaa day

..

Iyo haweenka ay wada gesheen

hiiftan iyo ciilka

iyo horor isagu tuuga hoon

kala hanbay naynin

habaar kaa ku dhacay  waa denbiga

loo heshiis yahaye

afar hebel hulaab taa qarsoon

mici haliilaysa

Heensiga inay dhiig tolkood

Magic ku soo hoyso

Iyo hilibka ay wada dhasheen

Haad u wadhidiisa

Hor (ALLIYO ) qiyaamaa  ayaa

Naarta  loo horiye

Ifka waxay helaan baan iyana

Haakah loo filine

Inta huursan belo ay wadaan

Hanadadii beeshu

Kuwan heestu ay sheeg tayeey

Halal is weydiina

Hadaf kaa wax loo  baabi,inayiyo

Heedhen sabab sheega .

 

Curiye . waa .( moholin )

 
Click here to Reply, Reply to all, or Forward