MAANTANA SIILAANYO MA WASIIR CUKUSUU KU BEDELAN AGAASIMIHII MUSUQA IYO QABYALADA

maqaal

 

Waxaa nasiib daro ah in Wasiirada Beesha Sacad Muuse ay u istaagaan difaaca Maareeyaha Television Qaranka Somaliland oo ah nin aan aqoon iyo waayo aragnimo midna u lahayn hawsha uu qaranku u igmaday, isla markaana aan waxba ugu fileyn Xukuumadda u igmatay xilkaasi.

Waxa wax laga naxo ah in wasiir Abiib oo fadhiidh ka dhegay wasaarada warfaafinta, intii uu xilka hayayna aan wax la taaban karo ku soo kordhin, uu maanta ugu faano wasiir Cabdulaahi Maxamed Daahir Cukuse in aanu ka gilgilan dulmiga Khadar ku hayay shaqaalaha SLNTV, sida uu Cukuse uga danqaday in hoostiisa wax lagu dulmiyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo sida lagu yaqiin laba qodob aad buu u necbaa, kuwaasi oo kala ahaa qabyaalad iyo musuq maasaq badan, labadaa qodob oo uu koobsaday maareeyihii TVga laga eryay.

Marwada madaxweynaha waxa aan u sheegi lahayn in ay ka waantowdo wax yaabaha sharaf dilka ku ah suncada qoyskeeda, saaxiibtininada Samsamna waa inaanay jar ka tuurin.

Si kastaba xaalku ha noqdee waxa looga fadhiyaa madaxweyne Siilaanyo in aanu garabka saarin ninkan ku caanka ahaa ee qabyaalada iyo musuq maasuqa.

Farah Jama

Hargaysa, Somaliland