Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Marxuum Hargeysa Ku Geeriyooday, Laguna Aasay

(SM:Hargeysa) – Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Tacsi u diray Marxuum Axmed Muuse Cabdi, oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, isla-markaana maanta lagu aasay.

Dhambaalka Tacsi Madaxwaynaha Somaliland u diray Marxuumkaasi, ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuum Axmed Muuse Cabdi oo ku geeriyooday 28.12.2013 magaalada hargeysa laguna aasay maanta, marxuumka oo beryahanba xanuun u jiifay kana mid ahaa odayaasha waa weyn ee dalka.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.