Madaxwayne muwaadinku xuquuq maleeyahay? “Warqad furan”

maqaal

Madaxwayne muwaadinku xuquuq maleeyahay?

“Warqad furan”

Waxaan ku xusay Human Wright day 10.Dec.

Maanta waa maalintii xuquuqul isaanka 10-december. sidaa daraadeed waxay dantu igu qasabtay inaan warqad furan uqoro madaxwaynaha qaranka, waayo cid ka hoosaysa oo maanta loo dacwoodaa majirto.

Markii lawaydiiyay Hanti dhowraha guud “muxuusameeyay inanku ee aad ku xidhay ” waxa uu ku jawaabay ”waxba muu  sameeyn inankuye ninkii uu soo xidhay iyo Habarjeclo oo dhan ayaa daba socota oo doonaya in looxidho” 

Magacaygu waa  C/Xakim  Maxamed Guuleed oo ku magac dheer Cawaale, waxaan ku dhashay kuna barbaaray magaalada Hergeysa, waxaan dalka gudihiisa  ku dhameeyay  waxbarashada dowligaa oo dhan, iyada oo ay duruufo badani jiraan dhalintuna wadanka ay ka yaacayso, sanadaha (1995-2003, Waraabe salaan, dugsi hoose dhexe).  (2003-2007, Gacanlibaax secondary school). (2007-2011,University of Hergiesy). Waxaas oo dhan waxan usoo bandhigayaa inaan cadeeyo inaan ahay muwaadin dhaba oo dalkiisa ku dhax saahiday.

Kadib isla sanadkii aan dhameeyay jaamacada (2011) waxaan imtaxaanka dad waynaha ka galay xafiiska haayada shaqaalaha , waxaanan shaqo ka helay dowlada siiba wasaarada maaliyada, anigoo iskay isku wada, lix bilood markii aan shaqaynayay , waxa lay bedelay xafiiska cashuuraha berriga ee Berbera, anigoon codsan,   waana xafiiska ugu wayn dhamaan xafiisyada cashuuraha berriga ee dalka,  mahiimad badana waxa uu uleeyahay dad badan oo wanaaga neceb, xafiiskaa oo ladoonayay in isbedel lagu sameeyo.

Kadib mudo ayaan shaqeeyay anigoon danta qaranka mooyee dankale aan ujoogin xeebtaa, tii oon  weliba aniga waxba lay kordhin mushahar kaygii horana aan qaato,  waxaanan isku qabay dhamaan kharashaadkayga sida hurdada, cuntada, kirada iyo wixii lahal maala, anigoon markaan hargaysa joogay intaas oodhan  aanan qabin gurigayagiina aan joogay, anigoo waxas oo dhiba qaba hadana waxaan dhaxda u xidhay inaan xafiiskaa ka dhigo xafiis heerkiisu sareeyo, dabcana waan ka dhigay oo malintii aan tagay waxa uu kamid ahaa kharaabadaha berbera, maantana waxa uu ka midyahay qasriyada berbera dhisma ahaan, qalab ahaan iyo shaqo ahaanba cidii taqaanayna waa ka markhaati maanta.

Mudane madaxwayne waadigii noo imi maalintii la furayay horaantii sanadkan, waxaanan maalintaa kuu sheegay inaan ahay ardaydii jaamacadaha dalka kasoo baxday iyo in xafiiskan sidii dalka loosoo galay aan maanta kahor waxba laga qaban, maalintaa waad nagu faraxday waanad noo mahadnaqday waxaanad noo sheegtay inaanu nahay dadka ay xukuumad ahaan ay ku faanayaan, rajo fiicana waad nagelisay.

Hadaba bixiso waatane, mudo markii aan joogay ayaan waxaan maamulkii wasaarada usoo gudbiyay dacwad foojiraya oo uu qof shaqaalaa uu ku kacay, kadib dacwadii hanti dhowrka ayay wasaaradii ugudbisay waana la baadhay waxaana la xidhay inankii falkaa galay, kadib mudo sadex bilood ah markuu xidhnaa ayaa kiiskii si loo baabiiyo waxa dacwadii lasoo galiyay aniga oo ahaa maamulihii soo dacwooday, kadib sifo sharci daraa ayaa laygu xidhay waxaad gashay danbi ah maamul dayacaad, laba cisho markii aan xidhnaana ayaa kiiskii laygu eedeeyay waxa uu yeeshay damiin waana lay damiintay, hadana kiis kii aanan gelin ee hore laygu eedeeyay oo ahaa dayacaad ayaa hadana lagu soo daray kiis kale oo aanan shaqo ku lahayn oo ah musuqmaasaq, hadana dib ayaa lay xidhay oo damiinkii laygala noqday. waxaanan ku xidhnaa xabsiga dhexe ee berbera  mudo afar bilood kabadan oo xagaaya Ramadaana ay ku jirto, markii hanti dhowrihii ay utageen odayaal xaafadaa oo uu hogaaminayo oday Muuse Xirsi (Muuse Dalab) oo ay waydiiyeen waxa uu igu xidhay waxa uu af buuxa ugu jawaabay walahi “inanku waxba muu samayne ninkii uu soo xidhay iyo Habarjeclo oo aan kala hadhin ayaa doonaya in loo xidho, odayaashii ayaa yaabay oo wax alaale waxay ku hadlaan garan waayay, kadibna odayaashii oo yaaban ayaa iskaga soo baxay. waana ninkaa ninka hantidhowre qaran lagu sheegayaa umada iska horgaynaya, kuna faanayay shaqo aan anigu kaligay qabtay ee warbaahinta mariyay “waxaan qabtay musuq maasaq shirkad isku xidhan oo cashuuraha berriga ee berberaa kii ugu horeeyayna waan qabtay” taasna waxa uu usameeyaa marka la idhaa isku shaadhayn ayaa soo dhow ayaa  si uu uga badbaado  in labadelo ayuu iska dhigaa mid shaqo wayn qaranka uhaya, inta kalana hagar daamada umada ayuu ka shaqeeyaa, ugu danbayntii xaqii ayaa imi oo maxkamadii oo uu joogay garsoore cadaaliyi  ayaa xoriyadaydii iisoo celisay aniga cadaysayna inaan wax danbi ah lahayn, inankii kalana xukuntay,  laakiin intaa wax dhaafsiisan maan helin, oo cid aan xaquuqdaydii aan udoonto oo aan udacwoodo iyo  cid ii garowda toona mahayo ilaa maanta, hadaan hadal aan is idhaana waxa lay idhaa waar meeshu waa Africa ee hadii alle ku soo daayay adaaba buro sida ee aamus, maantana qaranku ma istaahilo wax loo dhinto iyo wax loo hagar baxo toona, oo qofka damiirkiisu nool yahay ee xoolaha umada iska dhorwa waxa loo yaqaan nin soo lumay oo dawakhsan, ka xoolaha umada xalaashadayna wuu ku amaananyahay lagumana caayo.

Sidaa daraadeed mudane madaxwayne adiga ayaanu ku dooranay adna waxaad sii dooratay masuuliyiinta umada ushaqaynaysa, taa awgeed danbiga ay kagalaan umada adaa ka masuula waayo adaa udhiibay awoodaha ay ku tarki falayaan, maantana dalka dhib badan ayaa yaal, dhibkuna wuxuu ugusii badanyahay dhalin yarada, taas oo sababtay inay dhalintu quustaan dalkana ay ka haajiraan.

Ugudanbayntii madaxawayne waxaan kaa codsanayaa.

  • inaan helo xuquuqdii aan cadaalad daro mudadaa aan meel madow ugu xidhnaa.
  •  In ninkaa  hanti dhawrkaa ee  hagardaamada kasamaysan aad umada ka qabato.
  • qofka madluunkiina samri maayoo weligii inta kii daalinka ahaa hor fadhiyo weli, ee wax badan hoos u eeg oo yaan qofka layska xidhin sabab la,aan, oo ninkii soo maraa garanayee ayaan dadka dulmi lagu xidhin xadhigu wuu xanuun badanyahaye.
  • madaxwayne waxaan kaa rajaynayaa inaad arinkaygaa hoos u eegto gudina aad usaarto, hadii kale madaxwayne anba qori ayaan qaadan oo waxbaan iska celin anba dalka ayaan iskaga tegi siday dad hore uga googoosteen.
  • Guntii iyo gunaadadkii Mudane madaxwayne waxaan si xishmadi ku jirto cafis kaaga dalbayaa in inankii la xukumay danbigii uu galay waa lagu qaaday ciqaabtiisiiye, aad cafis madaxwayne ufidiso, waayo xadhig dheer ayaa lagu qaaday oo lix sano ah, ana calool xumadiisu igama hadhayso inta uu xidhanyahay oo xabsigii ayaanu is qol ahayn, takale waxa laygu tirinayaa in aan anigu iskay uxidhay ee aanay dowlad wax xidhaa aanay jirin.

ALLAA MAHAD LEH

Yours sincerely:

C/Hakim Mohame Gulled. (Cawale)

Phone number: 063-4244194 or 036-4417151

Email: cawaale_343@hotmail.com