Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Ka Qayb Galaya Xuska Qawmiyadaha Itoobiya.

Daawo Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayey oo saraf ugu kicitimay Turkiga. 1.10.13 uu

Dec 07,2013  Hargeysa(SM)- Wafti uu horkacayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa goor dhaw la filayaa inay u kicitimaan caasimadda Dawlad deegaanka soomallida ethopia ee jigjiga halkaasoo ay kaga qayb geli doonaan xuska maalinta shucuubta ethopia oo maalinta beri ah ka qabsoomaya magaaladda Jig-jiga.

waftigan miisaanka culus ee saaka u ambabaxay dhanka waddanka ethopia ee uu madaxweynuhu hogaaminayo ayaa waxa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe maxamed Faarax iyo Xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin waasiirka madaxtooyadda Xirsi cali X.Xasan, wasiirka Warfaafinta Maxamed Daahir Cukuse wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir
xuska maalinta qoomiyadaha ethopia oo maalinta berri ah ka dhici doona xarunta is maamulka soomalida ayaa waxa ka qayb geli doona ra’iisal wasaaraha dawladda federaalka ethopia, madaxwaynayaasha wadamada sudan Cumar al Bashiir, South Sudan Silver kir, madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil cumar Geele iyo qaar kale oo ka tirsan Qaaradda Africa iyo Caalamka.

ka qayb galka madaxweynaha Somaliland ee xuska maalintantan ayaa fursad weyn u ah Somaliland maadaama oo ay ka qayb gelayaan madax badan oo ka tirsan qaaradda Africa iyo ururada caalamiga ah taasoo madaxda waftiga fursad u siinaysa inay si guud iyo si gaar ahba ugu soo bandhigaan qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Salaanmedia/ Hargeysa