Madaxweyne Ku xigeenka Oo Markab Berbera Taagan kula shiray saraakiil Faransiis ah

December 15th, 2013 Comments Off

Saylici-1
Berbera (SM) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan xubno wasiirro ah iyo masuuliyiinta Gobolka Saaxil, ayaa maanta magaalada Berbera kula shiray saraakiil sare oo ka socday dawladda Faransiiska.

Madaxwaynaha iyo Weftigiisa oo uu ka mid ahaa Taliyaha ciidamada badda ee Somaliland, ayaa waxay Markab dagaal oo ku soo xidhay dekedda Berbera kula shireen saraakiil ka socday ciidamada la dagaalanka budhcad-badeeda ee dalka Faransiiska oo ka mid ah ciidamada NATO ee bad-weynta India iyo badda cas u jooga la dagaalanka budhcad-badeeda ka qowlaysta biyaha badda Soomaaliya.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, oo lagu marti-qaaday kulankan ka dhacay Markabka dushiisa, ayaan la ogeyn waxyaabaha lagaga wada hadlay, inkasta oo Midowga Yurub oo Faransiisku ka mid yahay ay Somaliland ka taageeraan la dagaalanka budhcad-badeeda.

Wariyayaasha kulankaasi dibadda ka joogay ayaa ku waramay in kulanka dhex maray Weftiga Madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo saraakiisha ciidamada badda ee Faransiisku ahaa mid ahmiyad u lahaa Somaliland, gaar ahaan ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland, oo saraakiisha Faransiisku balan-qaadeen inay tababaro u fidin doonaan.
Kulanka, waxa ka qayb-galay Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid iyo Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Dawladad faransiiska ayaa muddooyinkii u dambeeyay aad u danaynaysa arrimaha Somaliland, waxaanay la leedahay xidhiidh joogto ah iyadoo hawlgalo ka samaysay Aasaarta Taariikhiga ah, Arrimaha dhinaca la dagaalanka Argagixisada iyo budh-cad badeeda, waxaana lagu wadaa kulanka socda in ay arrimahaasi ka mid yihiin.

Salaanmedia/Hargeysa