Madaxweyne Xasan Sheekh” Xuquuqda Aadanaha Waa In La Difaacaa, Lana Hirgeliyaa Oo Ay Bulshada Soomaaliyeedna Taageertaa

lolDec 10,2013 Muqisho(SM)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay xaqiijinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, kadib war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada qaranka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ah ay ka go’antahay horumarinta xaquuqda aadanaha, islamarkaana ay dowladdu ku dadaaleyso yareynta falalka ka dhanka ah xaquuqda aadanaha.

“Waxaan doonayaa inaan ku celiyo sida ay dawladda uga go’an tahay iney difaacdo xuquuqda aadaanaha. Waxan ka shaqeynaynaa sidaan u gaari lahayn in Soomaaliya ay noqoto meel aan ka dhacin xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, waxaan u taagan nahay inaan dhaqan gelino xuquqda aadanah sida uga wanaagsan, Talaabooyin ficil ah oo la xiriirta arrinta xal ka gaaristeeda ayey dawladda hore u qaaday. Sharciyo la xiriiri xuquuqda aadanaha waa la sameeyey, dawladda ajendaheeda siyaasadeed ayaa ah iney wada oo taageerto sharciyadan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay shacabka in ay muujiyaan doorka uga aadan horumarinta xaquuqda aadanaha, iyadoo la shaaciyay in gabood falllada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha aysan Soomaaliya boos ku lahayn.

War-saxaafadka ayaa imaanaya xilli maanta oo kale 10-ka December caalamka oo dhan laga xuso Maalinta caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadamka oo ku asteysan 10-ka December.

Salaanmedia/Hargaysa