Magaalada Galkacyo oo maanta la keenay 40 nin oo ku xirnaa Jasiirada Maldives (SAWIRRO)

Waxaa maanta Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug la keenay in ka badan 40 nin oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kadib muddo sanado ah oo ay ku xirnaayeen Xabsiyo ku yaala Jasiirada Maldives.

Raggaan, ayaa waxaa laga qab qabtay Xeebaha Soomaaliya, xilli ay la socdeen doomaha nooca dheereeye, waxaana lala xiriiriyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeeda ee Soomaaliya.
Tan iyo sanadkii 2009-kii oo dhalinyaradaan ay ku xirnaayeen Maldives, ayaa waxay ku andacoonayeen in ay yihiin kalluumeysiga, oo aynaan ahayn burcad badeed, sida ay sheegeen.

Markii ay maanta soo caga dhigteen Garoonka Galkacyo, ayaa waxay qaarkood Sujuud la dhaceen ciidooda hooyo, iyagoona soo dhaweeyay in iyagoo intoodu badan caafimaad qaba xorna ah, dib loogu soo celiyo dalkooda.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka ee Maamulka Galmudug C/qaadir Cali Jaamac “Qalabxoor”, oo Saxaafada kula hadlay Garoonka Galkacyo, ayaa wuxuu sheegay in sii deysmada raggaan, ay iska kaashadeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya, Puntland, Galmudug iyo Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Agaasimaha Waaxda La dagaalanka burcad badeeda ee Maamulka Puntland C/risaaq Maxamed Dirir, oo isna Saxaafada kula hadlay Garoonka Galkacyo, ayaa sheegay inaanay dhalinyaradaan ahayn burcad badeed, balse loo heystay in ay ku xadgudbeen Xeebaha Jasiirada Maldives.

Maldives waa dal yar oo Jasiirad ah, wuxuuna dhacaa Xeebaha Badweynta Hindiya.