Magacyada dhakhaatiirta maanta lagu dilay duleedka Muqdisho + Daawo Sawirada

Waa muuqaal sawiradaan ah oo muujinaaya afarta nin ee dhakhaatiirta ah iyo 2-da nin ee kale, ee maanta lagula dilay Deegaanka Siinka Dheer, oo 15km u jirta Magaalada Muqdisho.

Dhakhaatiirtaan, ayaa waxaa dishay rag watay gaadhi nooca raaxada ah, kuna labisnaa dareyska Ciidamada Dowladda, kuwaa oo dilka kadib isaga baxsaday Deegaanka Siinka Dheer.

Dhakhaatiirtaan, ayaa waxay maalin u dhaaf kaga hawlgali jirtay Isbitaalka Fiqi, oo ku yaala Deegaanka Siinka Dheer, waxayna toddobaadkii laba jeer ka samayneysay qaliin.

Magacyada dhakhaatiirta la dilay

Dr. Caamir Mudiic
Dr. Maxamed Saalax
Dr. Axmed Safwaan
Dr. C/laahi Sanweyne

Sarkaal u hadlay Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay inaanay iyagu ka dambeen dilka lagu qaarajiyay afarta dhakhaatiirta, ee seddex kamid ah yihiin Suuriyaan.

Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaan ka hadlin falka guracan ee maanta lagu laayay dhakhaatiirta ka hawlgasha Isbitaalka Fiqi, oo ay ka hawlgalayeen qiyaastii muddo laba bilood ah.