Mahadcalin iyo Fariin kusocota Madaxda Dowlada Soomaaliya: Xildhibaanada, iyo Golaha Wasiirada ee la riday

index

Xisbiga Tiir waxuu mahadcelin udirayaa dhamaan madaxda Soomaaliya sida ay uxaliyayn khilaafkii soo kala dhaxgalay Madaxweenaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayagoon kabix dalkeena Soomaaliya gudahiisa.

Xaqiiqdii arintaas waataariikhi, waayo lagasoo bilaabo 1991 waa markii oogu horeesay oo khilaafka sookala dhaxgala madaxda Soomaaliya laguxaliyo dalka gudahiisa. Hogaan wanaagaas waxaa iska leh ooy taariikhdu si qurux badan uqori doontaa madaxda dalka hogaamisa hadda. X

isbiga Tiir waxuu oogu baaqi madaxda dalka in ay kudadaalaan isutanaasul, wadashaqayn, wadajir, walaaltinimo, iyo in ay ku xaliyaan dalka Soomaaliya dhaxdiisa khilaaf kaste oo kuyimaada ayaga dhaxdooda.

Xisbiga Tiir waxuu ugu baaqi Madaxweenaha Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamoud in uu ku doorto Ra’iisul Wasaaraha cusub aqoontiisa, kartidiisa, iyo wadan jaceelkiisa,

maya qabiilka uu yahay, waayo qabiil iyo qaran isma dhaxgali karaan. Xisbiga Tiir waxuu xasuusin Xildhibaanada qaran in la joogo xiligii nidaamka 4.5 lagu badali lahaa “xisbi-xisbi” siyaasadda dalkeenuna qaadanlahayd waddo cusub. Xildhibaanadii dalkoow, waxaa lajoogaa xiligii siyaasadda kudhisan sadexda awood “Madaxweene, Ra’iisul wasaare iyo Baarlamaan”, lugu badali lahaa mid kudhisan sadex gole: “Golaha madaxweenaha oo kakooban ‘madaxweene, madaxweene kuxigayn iyo wasiiro, Golaha baarlamaan, iyo Golaha Maxkamadda sare” nidaamkaas waxuu u horseedi dalkeena siyaasad kudhisan awood isudheeli tiran.

Madaxdii qaranka Soomaaliyeedoow, Xisbiga Tiir marwalba waxuu diyaar idiinlayahay hiil iyo hoo waayo waxaa naga go’an in aan wadajir ubadbaadino qarankeena.

Maamulka Xisbiga Tiir,
info@tiir.org
www.tiir.org