Maxaa ka jira in Xoghayihii guud ee hore Xisbiga UCID Axmed Kayse Aadan Ismaciil (Kayse Guray) in laga been abuurtay, xilna aan laga qaadin?.

kayse gurayKa dib markii aan la xidhiidhnay xubno kala duwan oo tirsan xisbiga Ucid oo ku sugan caasimadda Hargeysa ayaa waxa ay noo sheegeen in warka ku saabsan in xubinimadii laga qaaday xoghayihii guud ee hore ee xisbiga Ucid mudane Axmed Keyse Aden Ismaaciil uu yahay been abuur cad.

Ma jirto shir guddi fulin ee xisbiga Ucid ay iskugu timid xarunta Xisbiga Ucid shalayto oo taariikhdu ahayd 21/12/2013. Mana jirto guddi fulin rasmi ah oo xisbigu leeyahay. Balse waxa jirtay in xubno ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga in ay ku kulmeen xafiiska shalayto oo sheegay in ay dhibsadeen shirkii jaraa’id ee sida wada jirka ah u qabteen Axmed Keyse iyo Ibraahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo) taariikhdu markay ahayd 19/12/2013 kaas oo ay kaga hadleen dhinacyo badan.

Waxa la soo jeediyay in digniin loo qoro Axmed Keyse odhanaysa in aanu shirarka jaraa’id ee uu rabo in uu qabto mustaqbalka la soo socod siiyo mas’uuliyiinta Xisbiga. War-saxaafadeedkaasi been abuurka ah waxa ku saxeexnaa ku-xigeenka xoghayaha arrimaha gudaha Xuseen Xasan Badmaax oo aan isagu awood u lahayn in uu cid xubin ka qaado ama baahiyo go’aanada shirarka xisbiga. Markii la xidhiidhay Xuseen Xasan Badmaaxna waa uu ka dhaartay in waxba ka ogaa arrintaasi sida la sheegay. Hore waxa uu Xuseen u shaaciyay in xilkii iyo xubinimadii Xisbiga Ucid iska casilay wax yar ka dibna wuu beeniyay isaga oo sheegay in Emailkiisii la jabsaday oo ay Xukuumadda Somaliland Jabsatay. Iminka waxa la is weydiiyay oo shaki la geliyay in emailkii Xuseen Xasan la jabsaday oo ay jabsadeen dad u shaqeeya Nicholas Kay iyo Xafiiska UNSOM maadaama uu Axmed Keyse wax ka sheegay mas’uulkaasi iyo xafiiskiisa. Hase yeeshe eh waxa qirtay in uu qoraalkaasi diray ninka la yidhaahdo Yusuf Keyse oo sheegay in lagu amray in uu diro. Balse muu sheegin cida amartay in uu diro.

Runtii Axmed Keyse xilkii weynaa ee xisbiga isaga ayaa iska casilay mana aha qof isaga iyo kheyrkii toona lagu khuukhiyo xubinimadii xisbiga ayaanu ka qaadnay. Guddoomiyaha xisbiga iyo mas’uul kale toona xubnaha xisbiga kama xayuubin karaan xubinimadooda. Cadaalad darataasi waxa ay hore ugu dhacday guddoomiyihii hore ee Xisbiga Ucid ee gobolka Maroodi-Jeex oo aan cid ka dhiidhitay toona aanay jirin mujaahid Cali Gurey oo keliye mooyi eh. Hadii sheekadani sii socoto xisbiga iyo xubno la’aan ayuun baa is leh ayuu yidhi xubin ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo.

Salaanmedia/Hargaysa