Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Soo Saartay Amar Ay Ku Joojinayso Kalfadhigii Golaha Wakiilada Kadib Markii Ay Ku-Xigeenada Cirro Dacwad Ka Dhan Ah U Gudbiyeen.

Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Soo Saartay Amar Ay Ku Joojinayso Kalfadhigii Golaha Wakiilada Kadib Markii Ay Ku-Xigeenada Cirro Dacwad Ka Dhan Ah U Gudbiyeen

Picture712

Dec 21,2013 Hargeysa(SM)-Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha wakiiladda Somaliland Baashe yuusufMaxamed Faarax iyo Maxamed Yuusuf ayaa Dacwad ka dhan ah Guddoomiye Cirro geeyey Maxakamadda sare ee Dalka, waxaanay Maxkamaddu Golaha u soo qortay in la hakiyo Kal-fadhiga Golaha.

Lama oga qoraalka Maxkamadda Sare waxa ku qoran hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola khilaafka u dhaxeeya ayaa sheegay in qoraal lagu hakinayo fadhiyada Golaha inta Dacwada la dhagaysanayo in la soo gaadhsiiyey Cirro.

Guddoomiye Cirro oo saaka furay kal-fadhiga Golaha isla markaana meel mariyey qorshayashii ay isku hayeen labadiisa ku-xigeen ayaan soo hadal qaadin qorlaakaas, hase yeeshee sida ay sheegeen dad u dhuun daloola Guddoomiye Cirro waxay sheegeen in uu qoraalkaas hayo, sababta uu u akhriye waayayna ahayd labada ku-xigeen oo ka soo ag-xaadiri waayee

Ilo wareedyo ayaa ku soo waramaya in labada Guddoomiye ku-xigeen in ay shir jaraa’id ku qabanayaan Golaha Wakiiladda isla markaana ay ku soo bandhigi doonaan qoraalaka Maxkamadda ee Cirro saaka ka gaadahsiiyey.

Salaanemdia/ Hargeysa