Musharax Madaxtimo Ee xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen Oo Xukuumada ku dhaliilay sida ay wax u wado wakhtiga islamarkaan ku tilmaamay jahad isku urursatay xarunta madaxtooyada,Waxanu xukuumada Ku Dhaliilay Inay Awoodii Dalka U Adeegsanayso Sifo khaldan.

Hargeisa (SM)Musharax Madaxtimo Ee xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen Oo Xukuumada ku dhaliilay sida ay wax u wado wakhtiga islamarkaan ku tilmaamay jahad isku urursatay xarunta madaxtooyada,Waxanu xukuumada Ku Dhaliilay Inay Awoodii Dalka U Adeegsanayso Sifo khaldan. Hargeisa  (SM)Musharax Madaxtimo Ee xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen Oo Xukuumada ku dhaliilay sida ay wax u wado wakhtiga islamarkaan ku tilmaamay jahad isku urursatay xarunta madaxtooyada,Waxanu xukuumada Ku Dhaliilay Inay Awoodii Dalka U Adeegsanayso Sifo khaldan.

Maalinta Xuquuqal Iinsaanka oo Aduunka Laga xusayay Ayaa waxa manta Somaliland Laga xusay Iyadoo Xoriyatul Qawlka god lagu riday Isla markaan Awood Kale Lagu hormarsaday Waxanu yidhi  “waa Maalintii Xuquuqul Iinsaanka Lakin manta Inagu waxaynu ku mudaharadaynaa Xukuumada Talada Haysa,Waa Maalinta Lo dabaal Dego Xuquuqul Iinsanka,Xisbiga Kulmiye Oo isagu xuquuqdii oo uu dhawro isaka daayo Dadkii dhibaatooyin gaadhsiinaya,Waxanu ugu baaqnay Mudaharada oo waliba nabada Anagu sidooda caruurta ma layno ee waxanu ilaalinaynaa nabada lakin arinku hadii uu sidan sii noqdo waxanu ahaanaynaa sidooda oo kale,dadka la iska xidh xidhay dadka tvyada laga caayayo Miyaad aragteen Tvgii qaranka waxa laga caayayaa Dadka,xagee lagu arkay xukuumada dadkii caayaysa “ musharaxa madaxtinimo ee xisbiga UCID.

UCID

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay inaanay manta mdaxtooyada fadhiyin xukuumada La soo doortay Laakin Ay Ku Kaliyaysteen jabhad Is urursatay waxanu yidhi”jidgooyo samaynaysa,xukuumad maaha ee waa jabhad,Askarta meesha ka shaqaynaysaa midwaliba reerbuu ka dhashay ,anagu dhibaato uma aragno ee waa la soo amray lakin kuwa amray ayaanu haysanaa,qolooyinkan Madaxtooyada Waxan leeyahay haday askartu arkaan xaqdarada waxay idinku soo galaysaa madaxtooyada,waa la idin ixtiraamee waar umada ixtiraama,waxay manta maraysaa in dadka la yidhaah gobolada fiisayaal u soo qaata,wariyayaashii ayaa la iska xidh xidhayaa ,waxa inteenan cadiga kaga badan inta dariiqyada laga soo qabtay ee la xidhay waa car juuqdhex,xukuumada jidgooyada samaynaysa,miyay taleex jidgooyo ugu samayn waayeen,ciimada manta halkan yimid waa 300 oo ciidan oo 300 tikniko wato,masuuliyiintii xisbiga ayay hadideen,Wakhtigan waa xiligii kulaylka  Waxay ku jiraan Kaambayn waxay ku jiraan Dhagax dhigid “ ayuu yidhi Jamaal Cali xuseen

 

Musharax madaxtinimada Xisbiga mucaaridka ah Ee UCID waxa uu sheegay In Maalintii Gabiley Laga Celiyay Ay Xukuumada Lafteedu Ku Jirtay Kaambayn Isla markaan Doonayso talabada ay shacabka Ku Cabudhin lahayd waxanu yidhi “maalintii gabiley nalaga celiyay waatii qolo tidhi Waxanu nahayn xaqsoor intay calaman soo qaateen ayay Magaalada ku soo wareegeen ,haatan waxa loo baahan yahay warqada dhaq dhaqaaqa waa tii afwayne ee faqashta,qoloyinkaa kulmiye galay aadban uga xumahay,Reer Somaliland waa dad wanaagsan xukuumada waxanu leenahay Hadada RRUda keentaan Shacabka cidi ma Cabudhinkarto ,anagu wanu idin ixtiraamaynay Laakin hadad sharciga ixtiraami waydeen Anaguna maalinkasta wanu mudaharadaynaa,saxaafada waxanu leenahay Ka dhiidhiya waxa la idinku wado” ayuu yidhi Jamaal cali xuseen

 

waxanu sheegay in xukuumada uu hogaamiye axmed siilaayo  u badheedhay inay la dagaalanto xoriyatul qawlka dalka ka jira

 

source halbeegnews