Nelson Mandela Wuxuu Ahaa Shaqsiyad Ku Weyn Aduunka!!

Nelson Mandela wuxuu ahaa shaqsiyad aad iyo aad u weyn, oo qaaradda Afrika iyo dunida oo dhanba ku weyn, Mandela wuxuu ahaa qof lagu daydo, wuxuu ahaa nin xasuus wanaagsan in loo yeesho mudan ah ayuu ahaa.” Madaxweynaha Somaliland Ahmed M. Siilaanyo

 

 

”Nelson Mandela wuxuu ka mid ahaa hogaamiyayaasha dunida kuwooda aadka loo xushmeeyo” Madaxweynaha Somalia Hassan Sh. Mohamoud

 

“Mandela wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh aduunka, Mandela oo ahaa nabadoon waa laga wada xusayaa dhamaan qaaradda Afrika. Wuxuu hormuud u ahaa dhamaan inta u dooda cadaaladda iyo xornimadda” Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti

 

Geerida geesigii madooba waxay noqotay mid ay qaadaa dhigaan dad badan oo kala midab, kala afkaar iyo kala diimo ah. Hogaamiyaasha aduunka ee siyaasada, kuwa diimaha iyo dhamaan qof kasta oo aduunka guudkiisa saarani si ayuu uga hadlay, halka wadankii u dhashay ee Mandela ee Koonfur Afrikana baroorta oohinta iyo murugadu astaan u noqotay.

Mandela waxa caalamku ku majiirtay CAFISKII uu u muujiyay cadawgiisa.

 

Xigmad uu ku qoray buugiisa la yidhaahdo Socdaalkii Xornimada ayaa macnaheedu u dhigan yahay ” Markii aan ka so baxay albaabka ee aan wajahay xagii ganjeelkii igu hogaamin lahaa xornimada, waxaan ogaa hadii aanan ke tegin NAXLIGA iyo NACAYBKA in aan ku negaan doono jeelka”

Waxa kale oo Mandela aad ugu caan baxay in ahaa nin aaminsan SINAANTA DADKA. Isla buugiisa Socdaalkii Xornimada wuxu ku xardhay xigmad kale oo macneheedu u dhigan yahay sidan ” qofna kumuu dhalan in uu NECBAADO qof kale Midabka Diirkiisa awgii, Asalkiisa ama Diintiisa. Dadku way barteen sida wax lo naco, hadiiba ay barteen sida wax loo nacona, waa la bari kara sida wax loo jeclaado. JACAYLKU si dabiici ah ayuu booqda qalbiyada bini’aamadka”

 

Nelson Mandela wadankiisa Koonfur Afrika iyo Aduunkaba wuxu uga TAARIIKHDIISA dahabiga ah. Inkasta oo uu Mandela kor u so qaaday dhaqaalaha wadankiisa hadana waxa biyo kama dhibcaan ah in uu ka tanaasulay ama hadaynu si kale u dhigno aanu is ku dhiiran in la wadaago ILAHA-DHAQAALE ee wadanka. Mandela wuxu aaminsana mabda’a HANTIWADAAGAsida ku xusan AXDIGII XORNIMADA ee Xisbigiisa ANC-na waxa ka go’nayd in si siman loo qaybsado dhaqaalaha wadanka. Maanta wadanka Koonfur Afrika  dabaqad ka 10% dadka ku dhaqan oo cadaan u badan ayaa leh 80% Ilaha dhaqaalaha ee wadankaas. Dadka madaw ee FAQIIRNIMDA ku noolina way ku laba jibaarmaan intii tiradu ahayd 20 sano ka hor, shaqo la’aanta iyo dilalkuna waxay marayaan halkii ugu saraysay abid. Cudurka dilaaga ee AIDS-kuna wuxu wehel u noqday malaayin qof oo wadanka ku dhaqan. Xornimada la siiyay dadka madaw ee Koonfur Afrika waxay noqotay macaluul ay ku sugaan geerida.

Waxa laga yaaba in aad is waydiisay oo geesiga Mandela muxu dhaqaalaha wadanka in la qaybsado ugu dhiiran waayay? Mandela 2008 ayaa laga saaray liiska aragagixisada ee maraykanka, waxaana macquul ah hadiiba u ku dhiiran lahaa in u dhaqaalaha wadankiisa Koonfur Afrika ku dabaqi lahaa mabda’a uu aaminsana ee HANTIWADAAGA ee wadamada reer galbeedku aanay jeclayn in uu maanta ku jiri lahaa liiskaas. Ma lihi wuu baqay Mandela ee waxaan aaminsahahay wuu TANAASULAY.