Niclos Key oo soo Dhaweyey Barlamaanka Xilka ka Qaaday Raysal Wasaare Saacid

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ammaanay hannaanka u baarlamaanka Soomaaliya u maray dooddii codka kalsoonida ah loogu qaaday raysul wasaaraha xafiiska ka tagaya ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon.

Nicholos Kay wuxuu sheegay in uu soo dhoweynayo nidaamkan oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan noociisa horay loo arag.

Wuxuu ugu hambalyeeyay raysul wasaaraha kalsoonida lagala noqday shaqadii adkeyd ee uu soo qabtay sida; Heshiiskii Hiigsiga Cusub ee dhexmaray bulshada caalamka iyo Soomaaliya.

Danjire Kay ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in degdeg loo magacaabo raysul wasaare cusub, si loo sii wado horumarka laga gaaray siyaasadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Ergeyga ayaa sheegay in hay’adaha dowladda Soomaaliya ay gaarayaan biseyl dowladnimo, wuxuuna xusay in ay Qaramada Midoobay la shaqeyn doonto hay’adaha cusub ee dowladda.

Salaanmedia/Mogdisho