Oday dhaqameedyo, Aqoonyahano, Siyaasiin ,Dhalinyarada ka soo Jeeda beesha Direed ee ku dhaqan Wadanka Filand ayaa waxay Wacad kumareen in Iska dicaafi Doonaan+SAWIRO

Finland(SM)- Waxaa Maanta oo Bisha ahayd 26/12/2013 lagu Qabtay Wadanka Filand Caasimada Helsinki , Shir ay isugu yimaadeen oday dhaqameedyo, Aqoonyahano, Siyaasiin,Haween iyo wax garad ka soo jeeda beelaha direed ee ku dhaqan Wadanka Filand ayaa ka wada hadlay wixii ay ka yeeli lahaayeen daagaalada waayadan danbe ka socday gobolada shabeelada hoose iyo hiiraan, halkaasna baaq ugu diray dowladda Federaalka ee soomaaliya.

abdirahman_761 (1)
Waxgaradkii halkaas isugu yimid ayaa ka hadlay sida beelaha ku dhaqan shabeelaha hoose loogu wado dhulboobka aan gabashada leheyn iyo barakicinta iyadoo halkaas ay ka socdaan dagaalo maalinba maalinta ka danbeysa sii kordhaya waa sida ay hadalka u dhigeene . Waxay kaloo waxgaradkaa sheegeen in dowladda federaalka oo aan marnaba ka hadlin waxaa halkaas ka dhacaya oo ay u sii dheertahay in ciidamo dareyskii dowladda wata ay halkaas ka dagaalamayaan .
Waxgaradkaas ka soo jeeda beelaha Direed ayaa sheegay inay dhowr mar oo hore ay u sheegeen Dowladda tacadiyada halkaas ka socda ilaa iyo hadana aan wax isbedel ah aan laga heyn , waxayna ku baaqeen inay is difaaci doonaan ayna isku tashan doonaan , waxaya kaloo hadalkoodaas raaciyeen in inta Soomalinimada iyo samaha jecel ay isha ku hayaan gabood falka halkaas ka socoda .

Ugu danbeyntii ayay waxgaradkaas ka soo jeeda beelaha direed ee koofurta Soomaaliya tacsi u direen dadkii halkaas ku geeriyooday hantidoodiina ku waayay. abdirahman_763