Qabo ,Bukhaari iyo C/fataax siyaasadii ayay iimaankii ka qaadeen!

Qabo iyo bukhaari iyo c/fataax siyaasadii ayay iimaankii ka qaadeen!

MAQAAL
Sida bani aadamku u karaamo beelo oo uu iimaanku uga tago ayay siyaasaduna u karaamo beeshaa oo ay marmar gaadhaa heer iimaan la,aan ah! oo ay haybadu ka luntaa wa marka uu qofku sida xoolaha meel uu u socdo iyo meel uu kayimid kala garan waayo oo jihada uu u dhaqaaqaaba ay iskugu mid u noqoto! waxa la yidhi nin ayaa reer geel u raaci jiray oo sanadkii qaalin geela ka qaadan jiray markii danbe ayuu reerkii kategay uu geela u raaci jiray markaasuu reer kale geel uraacay oo sidii uun lagula heshiiyay inuu qaalin geela qaato sanadkii maalmo yar kadib ayay nin ay isyiqiineen is arkeen way is waraysteen waxa uu waydiiyay sow reerkii aan kugu ogaa geelii uma raacdid maya ayuu ku yidhi oo waan ka tegay oo reer kale ayaan u raacaa kadib nin kii ayaa way diiyay oo yidhi oo maxaad korodh satay oo kuu siyaaday mar hadaad reer cusub geela u raacdo? waxa uu ugu jewaabay (waxba iima kordhin ee waxaan korodh saday uun hashan magaceed!), waayo geelii hore ee uu raaci jiray waxa uu yaqaanay magacyadooda waa inuu kan cusub bartaa magacyadooda laakiin wax sed ah ama aduun ah oo u soo siyaaday ma jirto qaalin uun buu qaadanayaa sanadkii!,
 
waxa ka dhigan sadexdan nin ee siyaasada Somaliland ku cusub ee sida nin kaas dhoobiga ah maalin walba xisbi ilaa xisbi kale isaga talaabaya ee intay shaashadaha TV yada soo fadhiistaan dadka ka caaya ee key shalay caayayeen hadana maalin kadib isagii isu dhiiba! waa markay qofku karaamadu ka lunto waa qof isagii isgadaya oo inta uu saylada iskeenay hadba leh waar yaa igadanaya oo i iibsanaya!,
 
siyaasadu ma farto qofka inuu xishoon waayo oo uu waxa uu doono ku hadlo, ma farto inuu shalay dadkuu siyaasadooda dhaliilayay uu hadana maalin kadib isaga soo galo sidii awr baadiya!, ma farto inuu noqdo shaabuug maalinba cid kale lala dhaco!, waa mabaadii dhaqan,asluub, hadaf, aragti, diin akhlaaq iyo xishood ku dhisan!,
 
sadexdan shakhsi ee aan soo qaatay waa rag siyaasada ku cusub oo weliba qurbo jooga waxay wax badan soo arkeen sida reer galbeedku siyaasada u maamulo nasiib daro wax faa,ido ah kamay korodh san waa ragii la rabay inay wax ka bedelaan siyaasada afrika taala ee ku jiqsiida ah,
 
hadaan mid mid u kala qaado maxamed qabo waa nin kii markii uu hadhay ururkii xaqsoor lahaa waxaan dalka ingiriiska ka furay dacwad ka dhan ah xukuumada siilanyo oo waxaan qareen u qabtay dadkii la xasuuqay iyaga oo rayigooda si silmiya u dhiibanaya oo ka cabanaya doorashadii dowladaha hoose ee la musuq maasuqay goorma ayay nu maqalay in xukuumadu aboolajas ama laali gelin ka bisisay wixii ka dhacay xaafada axmed dhagax? may dhicin mise maxamed qabo dadkaas la xasuuqay ee aan waxba galabsan ma isaga ayaa dhiigoodii dilaal u qaatay? oo lagu raali geliyay wixii uu ka xumaa ee xukuumadu dhintay maye? waa siyaasada indho la,aanta ah ee dhamaan somaida haysata ee aan mabaadiida ku dhisnayn!,
 
c/fataax waxay umada reer Somaliland ogayd isaga oo xisbiga kulmiye iyo xukuumada siilanyo ka hadhsan weyday oo uu habeen iyo maalin TV yada ka dhaliili jiray, wax yar kadib xisbiga UCID ayuu xafiiska arimaha dibada u qabtay hada TV yada ayaa laga arkaayay isaga oo leh xisbiga kulmiye iyo madaxweyne siilanyo waxqabadka ay qabteen oo kale lama arag! oo waa saciimiin! goorma ayaynu dhagaysanaa c/fataax oo uu run inoo sheegayaa?
 
saleebaan bukhaari waa xildhibaan xisbgigii UCID ku soo galay golaha baarlamaanka wuu ka tegey oo ururkii umadda ee hadhay ayuu ka mid noqday hada waxa uu kamid yahay xisbiga kulmiye waa nin kaas dhoobiga ah ee geela raaci jiray ee korodhsaday hashan magaceed!
 
waxaan ku soo xidhayaa qormadan umadu hayska jirto raga siyaasada u qaatay inay maalinba ceel ka biya cabaan oo xisbiyada isaga talaabaan,
 
aadan axmed nuur