Home Articles SAACADAHA SHAQADA IYO HORUMARKA DHAQAALAHA

SAACADAHA SHAQADA IYO HORUMARKA DHAQAALAHA

Why this ad?
VansShop the Marvel Collab – Buy the latest Marvel shoes and get a free gift with every purchase. Free delivery!

SAACADAHA SHAQADA IYO HORUMARKA DHAQAALAHA

Inbox
abdulfatah basher <basherson@gmail.com>
8:25 PM (2 hours ago)

to Contact, contact, contact, contact, contact, Tafaftiraha, info, Somaliland, info, info, info, webmaster, webmaster, webmaster, caynabanews, baligubadlemed., somalilandlive

Click here to Reply, Reply to all, or Forward
Buy the latest Marvel shoes and get a free gift with every purchase. Free delivery!
Why this ad?Ads –
1.98 GB (13%) of 15 GB used
©2013 Google – Terms & Privacy
Last account activity: 5 hours ago

Details

16 more
abdulfatah basher's profile photo
abdulfatah basher
Show details
Ad
Vans
Shop the Marvel Collab

Buy the latest Marvel shoes and get a free gift with every purchase. Free delivery!

Ski the Canadian Rockies

Ski the Canadian Rockies. Flight, Ski Pass & Hotel Packages from £789

Saacadaha Shaqada Iyo Horumarka Dhaqaalaha

1.Hordhac

Somaliland waa wadan yar oo curdin ah oo aan wali si fiican cagaha isugu

taagin markaad ka eegto xaalada dhaqaale ee uu dalku ku sugan yahay.

Inkastoo dalku uu magac wanaagsan kasoo hooyay horumarka uu ka gaadhay

xaga nabadaynta iyo xaga dimuqraadiyadaba, haddana waxa jira waxyaabo

badan oo aad arkayso in loo baahan yahay in horumarin lagu sameeyo.

Meelaha loo baahan yahay in la horumariyo waxa ka midda saacadaha

shaqada ee xafiisyada dawlada. Fikirka saliimka ah iyo cilmiga dhaqaaluhu

waxay isugu imanayaan baahida loo qabo in saacado macquul ah oo aan

dulmi ku jirin in la shaqeeyo si loo helo wax soosaar la taaban karo oo dalka

horumar dhaqaale u horseeda. Qoraalkan waxaynu waxyar kaga tilmaamaynaa

dhibaatada ay leedahay saacadaha shaqada oo aan sida munaasibka ah loo

gudan.

Page 1

2. Saacadaha Shaqada ee Heer Caalami.

Xeerka caalamiga ah ee saacadaha shaqadu wuxuu dhigayaa in 24kii

saacadood qofka shaqaalaha ahi inuu shaqeeyo 8 saacadood. Wiigiina

shaqaalaha waxa laga rabaa 40 saacadood oo shaqo ah. Caadiyan shaqaalaha

dawladu waxay shaqeeyaan usbuucii 5 cisho, laba cishana waa la fadhiyaa,

oo qofka shaqaalaha ahi danihiisa gaar ahaaneed ayuu ku foofaa. Xeerkan

ku dhaqankiisa waxa hormuud ka ah xafiisyada dawladaha iyo hayadaha

caalamiga ah. Inta badan shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha sida gaarka ah loo

leeyahay waxay shaqeeyaan in ka badan 40ka saacadood ee xeerkan caalamiga

ahi uu dhigayo, taasoo ku xidhan kolba sida ay shirkadaha sida gaarka ah loo

leeyahay iyo shaqaalahoodu ay ku heshiiyaan.

3. Saacadha Shaqada iyo Horumarka Dhaqaale.

Horumar dhaqaale oo uu wadan gaadhaa waxa uu si toos ah xidhiidh ula

leeyahay saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalaha wadankaasi. Wadankii

ay shaqaalihiisu shaqada masuugaan ama ay yareeyaan, shaqadaasi ay

yareeyaan waxay ka go’an tahay koboca dhaqaale ee wadankaasi. Adduunka

maanta waxa tartan loogu jiraa sidii uu wadanba wadanka kale uga dhaqaale

wanaagsanaan lahaa. Tartankaasi ayaa wuxuu keenayaa in shaqaalaha

aan laga eegin oo kaliya xaga saacadaha ay shaqaynayaan ee ay lagama

maarmaan noqonayso in tayada waxsoosaar ee shaqaalaha kor loo qaado

oo markaasi la siiyo tababaro kala duwan, iyadoo intaasi ay u dheertahay

iyadoo shaqaalaysiinta ka hor shardi laga dhigayo qofkaa shaqaalaha ahi

waxbarashadiisu waxa ay tahay iyo heerka ay aqoontiisu tahay. Sharafta uu

wadan bulshadda caalamka ku dhexleeyahay waxay si toos ah ugu xidhan

tahay heerka uu marayo dhaqaalaha wadankaasi.

Dhaqaalaha wadankana waxa lagu cabbiraa halbeeg caalami ah oo loo yaqaano

GDP ama “Gross Domestic Product” oo Afsoomaali ahaan aan ku macnayn

karno “waxsoosaarka Guud ee Wadanka halkii sanno”. Halkii sanno GNP ga

wadankaasi waa maxay? Waliba waa lasii jilciyaa oo la isticmaalaa halbeeg kaa

hore kasii farcama oo la yidhaahdo “Per Capita Income” (PCI) oo macnaheedu

yahay waxsoosaarka sanadkii ee wadanka oo loo qaybiyay tirada wadankaa ku

nool calaa qof wixii kusoo hagaagaya.

Markaa tusaale ahaan, “PCI” dalka Maraykanka waxa weeye 40,000 (afartan

kun oo Doolar)sanadkii halka uu ka Somaliland ka yahay 600 (lix boqol

Doolar kaliya). Kala sarayntaasi dhaqaale ayaa keentay in wadana uu noqdo

Page 2

deeq-bixiye wadana uu noqdo deeq-qaate. Markaa ta laysku dhaafay waa

tayada iyo saacadaha ay shaqaynayaan shaqaalaha wadankaasi. Way jirtaa in

waxsoosaarka aanay u sabab ahayn shaqaalaha wadanka oo kaliya oo ay jiraan

sababo kale oo ay ka mid yihiin dhulka wadankaasi uu haysto (dhul beereed

wabiyo leh oo kale) iyo lacagta uu wadankaasi haysto, iyo heerka maamul iyo

teknoolajiyadeed ee wadanku gaadhay; hadana waxaas oo dhan waxa ugu

mudan shaqaalaha wadanku saacadaha uu shaqeeyo iyo farsamada uu ku

shaqeeyo.

4. Saacadaha Shaqo ee Somaliland.

Inagoo niyadda ku hayna in maanta nolosha caalamku ay tartan ku salaysan

tahay, bal aynu eegno saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalaha dawladda ee

Somaliland. Waynu wada ogsoonahay in shaqaalaha dawladda ee xafiisyada

Somaliland aanay shaqaynin wax ka badan 28 saacadood usbuucii halka

looga baahnaa inay shaqeeyaan 40 saacadood. Waxa halkaasi ka dhiman

usbuucii 12 saacadood. Marka sanadku uu ka kooban yahay 52 usbuuc,

waxay sanadkii Somaliland khasaartaa 52 usbuuc lagu dhuftay 12 saacadood

oo noqonaya 624 saacadood calaa qof. Xafiisyadda dawlada ee Somaliland

waxa lasoo galaa 8 subaxnimo waxaana laga rawaxaa 12ka duhurnimo. Gelin

danbe oo shaqo lagu soo noqdaana ma jiro. Taasi waxay keenaysaa in hawshii

hal usbuuc lagu dhamayn lahaa in ay qaadato laba usbuuc. Ku darso oo

Somaliland malaha khayraad dabiici ah oo sababi kara in dadku ay fadhiga ku

dhergaan sida wadamada Carabta qaarkood (dabcan marka laga reebo wixii

baadhitaanada hadda socda lagu heli karo). Waxa kaloo jirta in heerka tababar

ee shaqaalaha Somaliland aanu gaadhsiisnayn heer Afrikaan iskaba daa mid

caalamiye. Hadaba waxa iswaydiinle, reer Somaliland miyey u badheedheen

khasaarahaasi wayn ee kaga socda xaga saacadaha shaqada oo aad loo

yareeyey? Mise hoosba arrinkan looma fiirin.

5. Hogaanka Wadanka Maxaa la Gudboon?

Hogaanka siyaasiga ah ee Somaliland waxaa la gudboon inay umadda

fahamsiiyan in dalka dhaqaalihiisa ay ka go’antahay saacadaha shaqada

ee la shaxaadayaa. Reer Somaliland waa inay run isu sheegaan oo ay

xaqiiqda istaabsiiyaaan. Laba arimood marka la helo ayaa xaaladan haatan

wadanku ku sugan yahay waxlaga bedeli karayaa. Kow, waa in siyaasiyiinta

wadanka hogaaminaysa la yimaadaan qorshe ballaadhan oo si fiican u

qeexaya horumarka dhaqaale ee uu wadanku higsano, isla markaana waa in

qorshahaasi uu qeexayaa faaiidada shaqaalaha wadanka ugu jirta horumarka

Page 3

dhaqaale ee wadanka la doonayo in la gaadhsiiyo.

Laba, waa in shaqaaluhu ay la yimaadaan isbedel xaga fikirka ah oo ah “aniga

ayaa gacanta ku haya in wadankaygu uu faqrigan kusii sugnaado ama inuu

gaadho horumar dhaqaale oo ay aniga faaiido lacageed iyo mid sharafeedba

iigu jirto” isla markaana ay isbedelkaa fikirka ay u bedelaan hawlgal dhab ah.

Marka labadaa arimood la helo ayaa la arkaa in wadanku uu ka kore xaalada

dhaqaale xumo ii haatan uu ku sugan yahay.

6. Higsiga Mustaqbal.

Maanta cidwal oo indhaha ku haysa xaalada dhaqan-dhaqaale ee ay

Somaliland ku sugan tahay, way u caddahay in loo baahan yahay in xaaladan

wax laga bedelo. Suaashu waxay tahay side isbedelka la doonayo loo

gaadhayaa. Jawaabtu waxay tahay, wadanka haloo huro fikir iyo waqti.

Shaqaalaha waxaa la gudboon inay ogaadaan in waqtigii loo baahnaa inay

wadankooda u shaqeeyaan ay shaxaadayaan, shaxaadkaasina uu wadanka

horumarkiisa dhaqaale uu dhaawac wayn ku yahay. Masuuliinta wadankana

waxaa la gudboon in korodhka dhaqaale ee ka yimaada dadaalka dheeraadka

ah eey shaqaaluhu keeneen, inay si cadaalad ah wadanka ugu horumariyaan

isla markaana ay meel dhigaan xuquuqda shaqaalaha ha noqoto mushahar

wanaagsan oo ay shaqaaluhu helaan ama ha noqoto adeegyada bulshada ee ay

u baahan yihiin.

Marka la helo daacadnimo ka timaada xaga shaqaalaha iyo maamuul wanaag

ka yimaada xaga masuuliinta waxa shaki la’aan ah in wadanku uu gaadhi karo

horumar dhaqaale oo heer caalami ah, horumarkaasi oo Somaliland ay ku

dhaafi karto wadamada khayraadka dabiiciga ah leh.

 

Aad baad umahadsantihiin saxaafada Somaliland

Qore:Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

burao,togdheer,somaliland

Saacadaha Shaqada Iyo Horumarka Dhaqaalaha.docx

1 of 1

Displaying Saacadaha Shaqada Iyo Horumarka Dhaqaalaha.docx.