Sheeko Kale Keen: Bisad iyo Saaxiib Xoog Weyn Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Bisad ayaa waxay doontay inay yeelato saaxiib xoog weyn. Waxay istustay, ?Libaaxa ayaa u xoog weyn ugaadha. Markaa, libaaxa ayaan la saaxiibayaa.?

Ka dibna libaaxii ayay u tagtay oo la saaxiibtay.

Bisaddii iyo saaxiibkeed libaax oo maalin wada socda ayaa waxay ku soo baxeen maroodi. Maroodigii ayaa libaaxii weerary oo dilay. Bisaddi aad bay uga murugootay saaxiibkeedii ka dhintay. Mayse ilaabin himiladeedii ahayd in ay saaxiib xoog weyn.

Waxay nafteedii ku tidhi, ?Maroodiga ayaa ka xoog weyn libaaxa. Sidaa darteed maroodiga ayaan la saaxiibayaa.?

Ka dibna maroodigii ayay u tagtay oo la saaxiibtay.

Muddo markii ay saaxiib ahaayeen bisaddii iyo maroodigi, ayaa maalin iyaga oo ay maraya ku soo baxeen nin ugaadhsade ah oo qori sita. Ugaadhsadihi maroodigii ayuu toogtay oo dilay. Markale, bisaddi aad bay uga murugootay saaxiibkeedii la dilay. Hasa yeeshee, may ilaabin himiladeedii ahayd in ay saaxiib xoog weyn yeelato.

Ka dibna ugaadhsadihii ayay u tagtay oo la saaxiibtay.

Ugaadhsadihii ayaa bisaddii ay saaxiibeen gurigiisii geeyay. Markay gurigii galeen ayaa ugaadhsadaha xaaskiisi ka qaaday qorigii oo xeraysay. Ugaadsadihina kursi ayuu iska fadhiistay. Xaaskiina kijadii ayay gashay.

Bisaddi waxay is tidhi, ?Ugaadhsadaha xaaskiisa ayaa ka xoog weyn. Qorigii ayay ka qaaday. Ka dibna, isaga oo aan hadal ku celin, ayuu kursi iska fadhiistay. Markaa xaaska ayaan la saxiibayaa.?

Ka dibna xaaskii ayay kijadii ugu tagtay oo la saaxiibtay!!!