Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo ka hadlay tallaabada Baarlamaanka ay ku rideen Xukuumadii Saacid

buubaa

Wasiirkii hore ee arimaha dibada dalka Soomaaliya Ismaaciil Hure Buubaa, ayaa ka hadlay riditaanka Xukuumaddii Saacid ee Baarlamaanka shalay codka kalsoonida uu kala noqday.

Ismaaciil Hure Buubaa, oo Wareysi siiyay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dariiqa loo maray riditaanka Xukuumadda ay tahay mid saxan.

Mr Buubaa, ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu xaq uleeyahay keenista mooshin ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya iyadoo loo marayo dariiq wanaagsan oo ku aadan Dastuurka dalka u yaalo.

“Baarlamaanka xaq buu uleeyahay inuu mooshin keeno, laakiin wadada loo maray in Xukuumadda la rido waa wado sax ah , sababtoo codbaa loo qaaday Xukuumadda sidaas ayeeyna ku dhacday”Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee arimaha dibada dalka Soomaaliya.

Ismaaciil Hure Buubaa oo iminka ah siyaasi ayaa sidoo kale ku tilmaamay tallaabadii Baarlamaanka dalka ay kaga hor istaageen Ra’iisul Wasaare Saacid inuu hortago Baarlamaanka mid qaldan.

“Anigu sax uma arko in Baarlamaanka uu hor istaago Ra’iisul Wasaaraha sababtoo ah Ra’iisul Wasaaraha wuxuu xaq ulahaa inuu isdifaaco oo dhaliilaha loosoo jeediyay uu iska difaaco”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sikastaba Xukuumadda Saacid ayaa iminka meesha ka baxday, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu hada yahay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha dalka inta laga soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare si rasmi ah xafiiska ula wareega.

Salaanmedia/Mogdisho