Somaliland oo Sheegtay inay Mudnaanta Siinayso Ilaalinta deegaanka

Wasiirka deegaankaSalaxley, (SM)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Siilaanyo in ay wax ka qabato deegaanka.

Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare ayaa waxa ay sidan ka sheegtay mar ay maanta la hadlaysay dadweynaha Degmada Salaxlay oo ay ka wada hadleen sidii looga hortagi lahaa nabaad guurka lagu hayo deegaanka.

Wasiirku oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxa ay tidhi, ”Waxaan idiin sheegayaa dawladda maanta joogta ee uu madaxda ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inay ka go’an tahay in ay deegaanka wax ka qabato, waxa kale oo aan idiin sheegayaa waxqabadka soconaya maanta ee dawladda joogtaa habeen iyo maalin wax qabadka ay qabanayso, ama dariiq ha ahaato ama iskuul ha noqotee, ahmiyad weyn iyo mudnaan dheeraad ah waxa ka ah daryeelka deegaanka oo xukuumadu si weyn ugu soo jeedo.”

Marwo Shukri Bandare waxay tilmaantay inay isla qaateen dadweynaha degmada Salaxley go’aamo lagaga hor tagayo xaalufka lagu hayo deegaanka waxaanay tidhi, “Mar haddii guddi dhan Degmadii iyo dawladii u soo wada gurmadeen deegaanka oo ka soo baxeen go’aamo oo la fuliyay in aanan socon doonin ill aa inta aan idinla hubin doono in go’aamadaasi sidoodii u fuleen iyo in kale.”

Salaanmedia/Hargaysa