“Taleex Miyaaney Somaliland Aheyn Mise Shirka Dood Qaran Ayaa Ka Waynaaday Xasuuqa Shacbiga Somaliland” Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga UCID

 

DDNov 30,2013(Cadceed)-JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka {UCID} Justice and Welfare Party

Ref/SUMUCID/2045/2013 Date: 30/11/2013

UJEEDO/WAR MURTIYEED

TAlEEX MIYAANEY SOMALILAND AHEYN MISE SHIRKA DOODA QARAN AYAA KA WAYNAADEY XASUUQA SHACBIGA SOMALILAND

Waxaynu ka warqabnaa in maamul isku sheega puntland ay kawadeen weeraro lagu waxyeelaynayo shacabka Somaliland gudahana usoo galeen xadka Somaliland taasoo aanaya ilaa hada dawladu haba yaraatee wax dareen ah ka bixin.

Hadaba dawladu ma waxa ay leeday waxa is dilaya Khatumo iyo Punland, haday sidaa tahay marka koobaad waa aqoonsi ay aqoonsatay maamulka Khaatumo, marka labaadna waxa is waydiin leh xagay isku dilayaan miyaanay xuduuda Somaliland gudaheeda ahayn Taleex miyaanay Somaliland ahayn mise waxa dawlada kaga wayn shirka wada tashiga ee muwaadiniin reer Somaliland ee xaqa dastuuriga ah ulihi ay wadaan,.

Hadaa dawladu mawaxay leedahay dadkan la laynayaa reer Somaliland maaha oo wixii siyaasada nagaga horyimaadaa waxay luminayaan muwaadinimadooda xaqa u siinaysa in la sugu amaankooda oo cadawga debeda iyo ka gudahaba laga difaaco, mise waxaad odhandoontaan sidiinii ma awoodno sugitaanka xuduudaha dalka.

Hadaba umadu waxay idiinka fadhidaa inaad u cadaysaan siyaasada aad ka leedihiin cadawga xuduudaha dalka gudihiisa ku xasuuqaya shacabka iyo maatida reer somaliland, mise arinkiinu waxa weeye “ Mise Heshiis Qarsoon Oo Puntland aad kala Saxeexateen Ayaa Sidan Odhanaya ( in la xasuuqo shacbiga Somaliland ee dagan Area TALEEX)

Ugu danbeyntii waxaanu aad iyo aad uga xunahey oo aanu canbaareyneynaa Aamuska Xukuumada Iyo Iska Indha Tirka Xasuuqa Shacbigeeda Lagu Sameynayo Wadeenkeena Gudihiisa

By C/raxmaan Axmed Cali (Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga UCID)