TVGA Qaranka Somaliland iyo Safiirka Somaliland UK Cali Aadan Cawaale oo meel ka cadh weyn kula kalac Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cali Warancade.

 TVGA Qaranka Somaliland iyo Safiirka Somaliland UK Cali Aadan Cawaale oo meel ka cadh weyn kula kalac Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cali Warancade.

2

Kulan sharaf ka dhacday Bariga London  habeenkii Axada 8.12.13 oo lagu soo dhaweynaayey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah bulshada reer Somaliland ayey ceeb weyni ka raacday ka dib markii TV Qaranka Somaliland uu ka maquurtay kana soo xaadiri waayo  tasoo ku noqotay sumcad daro aad u weyn, Sidaasoo kale waxa madasha kulanka casho sharaftu ka dhacday goob- joog ka ahaa Gudoomiyaha Tv Qaranka Somaliland ee UK oo markii la weydiiyey waxa uu TVgu uga maqnaaday kulankan aanu wax jawaab ah ka bixin.Waxa kulanka kasoo qayb galay oo saxaafada ka socday Somsat TV oo casho sharafta doonaayey in uu wasiirka iyo bulshada reer Somaliland ee kulanka casho sharafta ah uu doonaayey in uu ka qaado muqaal ,se waxa si cad isu hortaagay Gudoomiye Cabdi Bacow oo diiday in aan wax laga qaadi karaa jirin madaama aanu TV Qaranku kulanka joogin tasoo inankii Somsat TV uu ka diiday kuna adkaysatay in uu hawshiisa wadanaayo arinkiisiina uu u hirgaly oo wasiirka uu muqaalkii uu ka doonaayey ka dhameystay.

 

 

Shabakada Salaanmedia.com oo casho sharafta wakhti danbe soo gaadhay  lakiin weli wasiirku kulanka joogo ayaa iyagana waxa qabsaday in Gudoomiyaha  TV Qaranku si cad u diido   in wasiirka aan wax waraysi ah ama sawir ah aan laga qaadi karin  isaga oo ku macnayey wasiirku aanu wakhtigan kari karin.

 images

 Waxa taa kasii daran Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale oo isaguna kulanka aan kasoo xaadirin tasoo aynu la socono sida uu wasiirada kale ee dalkan Ingiriiska yimaada uu madal walba goob-joog ka ahaa,Waxayna Tani muujinaysaa sida golaha wasiirada Somaliland ay u kala meeqaam sareeyaan iyo sida qaarna loo weyneynaayo qaarna aan waxba la isaga tirin.Waana wax aan la aqbali karin wasiirna aanu wasiir ka sharaf badnayn.Waxa dhacdadan oo kale ku dhacday Wasiirul dawlaha Maaliyada Somaliland Cismaan Saxardiid oo wakhtigii uu London imanaayey aanu helin wax soo dhaweyn ah,una socday hawl shacabka iyo dalkaba dan u ahayd.

 

 

Waxa dadka casho sharafta kasoo qayb galay ay is weydiinayeen waxa Safiirka iyo TV Qaranku ay wasiirka ugu iman waayeen.

th

 Waxa aynu ognahay in Wasiir Cali Maxamed Warancade yahay wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Waa Wasaarada ugu muhiimsan Somaliland waxayna sharaf dhac weyn ku tahay in Wasiirka aan si wanaagsan loo qaabilin.Waa markii ugu horeysay ee Wasiirku yimaado dalkan Ingiriiska.

 

 

 

 

Salaanmedia/London

Halkan hoose sawirada ka daawo.

unnamed (3) unnamed (2) unnamed (1)