Ugu Yaraan 10 Akari Oo Ku Dhimatay Dagaalka Maanta Ka Soconaaya Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose

ciidanka-dowlada2Dec 22,2013 Muqdisho(SM)-Ugu yaraan 10 kamid ah Ciidamada Militariga ee Dowladda, ayaa waxay ku geeriyoodeen dagaalka maanta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkaan oo u dhaxeeyo Ciidan ka wada tirsan Militariga, ayaa wuxuu salka ku hayaa, jidgooyo ay Ciidamada Militariga qaarkood soo dhigteen Buundada Afgooye, oo ay dadka qaarkii u garanayaan Mukayga Afgooye.

Labada Ciidan, ayaan ku kala adkaan dagaalka maanta ku dhex maray Degmada Afgooye, kadib markii Ciidankii jidgooyada u taalay ee la weeraray, ay soo gaareen gurmad ballaaran. Isla-markaana ay labada Ciidan is horfadhiyaan.

Ciidamada Militariga ee weerarka qaaday oo ahaa kuwo diyaarsan, ayaa waxay xilligaan daafac kaga jiraan meel aan ka fogayn Buundada Afgooye, waxaana xilli kasta suurta in uu dib u qarxo dagaalka.

Dhinaca kale marka laga soo taggo 10-ka askari ee dagaalkaan ku dhimatay, ayaa waxaa jira tiro kale oo dagaalka ku dhaawacmay, kuwaa oo loo kala qaaday goobaha caafimaadka ee Afgooye iyo Muqdisho.

Sidoo kale dagaalkaan, ayaa waxaa la ogyahay in uu ku dhintay hal nin oo rayid ahaa, halka afar kalana oo ay caruur iyo haween ku jiraan ay ku dhaawacmayn, isla-markaana dhaawacyadoodu ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan kuwa jidgooyada soo dhiganaaya goobaha, ay gacanta ku heyso Dowladda.

Dowladda, ayaa waxaa lagu eedeeyaa inaanay bixin mushaaraadkii Ciidamada, taasina ay keentay in Ciidanku ay ku dhiiradaan, in ay jidgooyo soo dhigtaan goobaha ay ka arrimiso Dowladda.

Salaanmedia/Mogdisho