WAR DEG DEG AH: XUKUUMADDA SIILAANYO OO MAANTA UGAADHSANAYSA SAXAAFADDA MADAXA BANAAN, WARIYAYAAL GOORDHAWAYD XABSIGA LA DHIGAY IYO CIIDAMO BADAN OO LA SOO DHOOBAY AGAGAARKA SHACABKA

 

image

Hargeysa :SM…Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ugaadhsi ku bilawday saxaafadda Somaliland waxaana saaka ciidamo la soo dhoobay agagaarka shacabka ee hargeysa iyadooy xidhanyihiin ilaa hadda wadooyinka soo gala madaxtooyadda somailand, ciidamadda booliska ayaa gordhawayd xabsiga dhigay raxan wariyaal ah oo ku sugnaa agaagarka shacabka ee hargeysa,

Dhanka kale waxay ciidamaddu boolisku ilaa hada ugaadhsanayaan saxaafada madaxa banaan gaar ahaan wariyayaasha saaka iyagu ku sugan  agagaarka shacabka oo ciidanku wariyihii ay arkaanba ay xidhayaan lama garanayo waxa kalifay ugaadhiga saxaafadda ee saaka ay bilawday xukuumadda siilaanyo balse waxay xukuumaddu saaka awood kaga hortagtay mudaharaad ay ku baaqeen qaar kamida saxaafadda Somaliland kuwaas oo sheegay in xukuumaddu xabsiga ka sii daysay ninki weeraray wargeyska hubaal

Isku soo wada duuboo xukuumada madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa saaka awood u isticmaalaysa saxaafadda Somaliland iyadoo wariyayaal badana ay ciidanka boolisku xabsiga u taxaabeen goordhwayd sidoo kale waxa ilaa hada socda ugaadhsi ciidanka boolisku ku qabqabanayaan saxaafadaa madaxa banana ee Somaliland, waxaanay xukuumadda siilaanyo noqonaysaa xukuumaddi ugu darayd abid  ee cabudhisa saxaafadda Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho baligubadle media