WAR DEG DEG: Dooda xasaasiga ee Baarlamaanka oo bilaabatay, iyadoo 224 Xildhibaan ay xaadir yihiin

image

Waxaa goordhaweyd xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka furmay fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ay kaga doodayaan mooshinka Xukuumadda laga soo gudbiyay ee Baarlamaanka horyaala.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo furay fadhiga Baarlamaanka ayaa usheegay Xildhibaanada in Ajandaha Baarlamaanka uu yahay sii wadista kadoodista mooshinka Xukuumadda laga keenay.

Wuxuu sheegay in tirada Xildhibaanada Baarlamaanka ee soo xaadirtay fadhiga ay gaadhayaan ilaa 224 Xildhibaan, iyadoo ay jiraan xubno kamaqan fadhiga oo aan weli imaanin.

Waxaa hadli doonaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo ka hadli doona aragtidooda ku aadan mooshinka Xukuumadda laga soo gudbiyay, Xildhibaanadaasi ayaa gaaraya ilaa dhowr iyo sodon Xildhibaan.

Xildhibaan waliba wuxuu hadlayaa saddex daqiiqo (3-Daqiiqo) oo uu kusoo gudbinayaa aragtidiisa ku aadan mooshinka iyo waxa uu ka qabo.

Lama oga in isla maanta codka kalsoonida Xukuumadda loo qaadi doona iyo in dib loo dhigi doono oo maanta dooda kaliya lasoo gaba-gabeyn doono.

Salaanmedia/Mogdisho