War Deg Dega :Afar Qof Oo Ku Dhimatay Halka 36 Kalana Ay Ku Dhaawacantay Qarax Caawa Ka Dhacay Nairobi (Daawo Sawirada)

War Deg Dega :Afar Qof Oo Ku Dhimatay Halka 36 Kalana Ay Ku Dhaawacantay Qarax Caawa Ka Dhacay Nairobi (Daawo Sawirada)

bweyn75Dec 14,2013 Nayrobi(SM)-Qarax xoogan, ayaa waxaa Maqribnimadii laga dhex maqlay bas nooca rakaabka qaada ah, oo ka yimid bartamaha Magaalada Nairobi, kuna sii jeeday xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh.

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in uu basku ku qarxay mar uu maraayay Saldhiga Ciidanka Booliska ee Pangani, ee Magaalada Nairobi.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayaan in afar ruux ay ku dhimatay qaraxa, halka 36 kalana ay ku dhaawacantay, iyadoo dadkii dhaawacmay lagula cararay xarumaha caafimaadka ee Magaalada Nairobi.

Taliska Booliska ee Magaalada Nairobi, ayaa waxay sheegeen in ay baaritaano ku samaynayaan cidii ka dambeysay qaraxaan, oo ay tilmaameen inaanay weli aqoonsan.

Madaxa Ciidanka Booliska ee Magaalada Nairobi Benson Kibue, oo caawa Saxaafada kula hadlay Magaalada Nairobi, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay baaritaano ku samaynayaan qaraxaan iyo cidii ka dambeysayba.

Mar la weydiiyay waxa sababay qaraxaan, ayaa wuxuu tibaaxay in uu saarnaa gaariga baska ah, xilli uu sheegay in uu rakaab ka soo qaaday bartamaha Nairobi, kuna sii jeeday xaafadda Eastleigh.
bweyn76
bweyn74bweyn73bweyn72bweyn71bweyn70