War Degdega Ah:Badhasaab Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Oo Xabsiga Looga Yeedhay Iyo Xaaladihii U Danbeeyay Ee Magaaladda Burco.

images

War degdega ah:Badhasaab Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Oo Xabsiga Looga Yeedhay Iyo Xaaladihii U Danbeeyay Ee Magaaladda Burco.

Burco-(SM)-Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo shalayto soo gaadhay magaalada Burco ayaa la sheegay in ay Saldhiga dhexe ee magaalada Burco uga yeedheen Badhasaab ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar iyo odayaal kale sida ay goob-joogayaal Burco ku sugani u xaqiijiyeen Warfidiyeenada Qarannews ..

Waxaana wararku intaasi ku darayaan in markii warkani soo gaadhay siyaasigan Guuleed Daahir Samatar in uu saldhiga  dhexe ee Burco isgeeyay ,halkaasi oo la sheegay in  ay ku sugnaayeen saraakiil sarsare oo booliska ka tirsani kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Taliye ku xigeenka booliska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle iyo taliyayaasha RRU-du oo Burco yimi.

Lama garanaayo ujeedada rasmiga ah ee Siyaasigan shicibka ah looga yeeray  Saldhiga Dhexe ee magaalada Burco ,waxaaney arintani ku soo beegantay xili ay magaalada Burco khasaare Naf iyo Maalba leh ay gaadhsiiyeen Mudaharaado rabshado wata oo Burco ka qarxay   habeen hore kuwaasi oo Xukuumadda Siilaanyo hurinayso walina aan si fiican u degin.
Mudoharaadkan ayaa saaka degay inkasoo uu subaxnimadkii hore ka dilaacay Iskuulka 15-may ee Koonfurta magaalada Burco ,halkaasi oo ay dhalinyaradii ku banaanbaxaysay ay kala kaxeeyeen Ciidamo badan oo aagaasi la geeyay.
Wadooyinka waaweyn ee magaalada Burco gaar’ahaan Siiroga oo ku yaala Badhtamaha magaaladaasi oo ahaa goobtii ugu darayd ee shalayto Mudaharaadadu asqeeyeen ayaa saaka laga soo buux dhaafiyay Ciidamo aad u tiro badan oo RRU ah kuwaasi oo shicibka cabsi galin iyo hantadaad ku wada.

Waxa kale oo magaalada gaaf wareegaaya Ciidamao kale oo boolis ah kuwaasi oo xaafadaha dhexdooda ,Suuqyadda iyo xarumaha dawladda gaaf-wareegaaya.

Geesta kale xarumaha Dawladda gaar’ahaan Dawladda Hoose ee Burco ayaa goob ciidan isku bedeshay waxaana albaabada loo laabay Xafiisyadii dawladda Hoose iyo guud ahaan laamihii kale ee Dawladda marka laga tago xafiiska badhasaabka oo isagu hawlihiisa wata ,waxaana magaalada Burco ka socda kulamo doceedyo xal loogu raadinaayo joojinta isu-soobaxyaddan shicibku wadaan ee siyaasad xumadda Siilaanyo lagaga soo horjeedo iyo cadaalad-darada wadanka lagu walaaqaayo.

Sikastaba ha ahaatee dadka siyaasada Odorosa ee magaalada Burco ku sugan ayaa ku tilmaamay xaalad-abuurkan iyo kicinta shicibka ee Xukuumada Siilanyo wado in ay ka dhaadhacsan tahay mudo korodhsi ayaad ku helaysaa ,balse waxay hoosta  ka xariiqeen habayaraatee in aaney taasi dhici-doonin mudo korodhsi iyo iska horkeen bulsho-toona..

 

Salaanmedia/Hargaysa

Qarannews