Wararkii ugu dambeeyay deegaanka KM50 iyo sida ay xaaladu tahay.

newslogo2Xaalad daganaansho ah ayaa laga soo sheegaya Deegaanka Num-50 ee Gobalka Shabeelaha hoose, iyadoo welina ay taagan tahay cabsida la xidhiidha dagaal inuu halkaasi ka qarxo.

Shalay ilaa xalay waxaa dhacaye dagaalo kala duwan oo hadba la isku nasanaye, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyay xalay uu ka dhacay Num-50 oo dhinacyada dagaalamay ay fooda iskudareen, waloow aan la ogaan karin inta uu la eegyahay khasaaraha dagaalamayaasha kasoo gaaray rasaasta ay isku holcinayaan.

Ciidamada Beelaha Habargidir iyo Biimaal, ayaa isugu jira difaacyo adag, waxaana suuragal ah in marwaliba ay fooda isdaraan oo uu qarxo dagaalka, maadaama aysan jirin cid ku kala dhexjirta dhinacyada dagaalamaya.

Dagaaladaan oo todobaadkaan oo dhan ka socday Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa hada xoogiisa kusoo uruuray Num-50, halka markii hore dagaalada ay ka dhacayeen Awdheegle, Ceelwareegoow Busleey iyo Janaale oo labadan beelood ay kusoo wada dagaalameen.

Ciidamada labada beel udagaalamaya ayaa qaarkood huwan shaatiga Dowladda, balse hadafka dagaalkooda uu yahay mid salka ku haayo qabiil, oo uusan aheyn mid qaran.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada culus ee Gobalka Shabeelaha hoose ku dhexmaraya beelaha halkaasi wada daga, inkastoo aysan muuqan cid u hogaansantay baaqa Madaxweynaha.

Saacad waliba waxaa suuragal ah inay wax isbedelaan oo uu dagaalka qarxo, iyadoo lasoo sheegayo in meelaha qaar rasaas goos-goos ah laga maqlayo oo dhinacyada KM50 isku horfadhiya ay isweydaarsanayaan.

Salaanmedia/Mogdisho