Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

newslogo2

Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu ka dhacay qarax khasaaro ugeystay askar ka tirsan maamulka Puntland.

Qaraxan oo noociisa uu ahaa bambada gacanta laga tuuro, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lagu tuuray Koontaroolka dhanka Koonfur xiga ee Magaalada Gaalkacyo qeybta ay maamulaan Maamulka Puntland.

Labo askari oo ka tirsanaa ciidan ku sugnaa Koontaroolka ayaa khasaaro ay kasoo gaadheey qaraxaasi, iyadoo mid kamid ah askartaasi uu geeriyooday, halka midka kalena dhaawaciisa lagu dabiibayo isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

Axmed Diiriye Sugulle oo ah Maamulaha isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo, ayaa xaqiijiyay geerida halka askari iyo dhaawaca midka kale oo labadooduba la geeyay isbitaalka.

Askariga geeriyooday ayaa wuxuu ku dhintay isbitaalka, maadaama isaga oo dhaawaciisa aad uliita isbitaalka lasoo gaadhsiiyay, dhaqaatiirtana ay ku sameeyeen la tacaalid balse ugu dambeyn dhaawaca uu ugeeriyooday.

Saraakiisha ammaanka Puntland ee Koontaroolka la weeraray ilaa hada kama ayan hadlin qaraxa iyo cida ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyaan, sidoo kale ciidanka howlgal ay sameeyeen ayaan la ogeyn ilaa hada cida ay kusoo qabteen.

Gaalkacyo ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka oo ay ka dambeeyaan inta badan kooxo aan la aqoonsan.

Salaanmedia/Galkacayo