Wararkii ugu danbeeyey ee Mudaharaad dad ku waxyeeloobeen oo ka socda Hargaysa.

images

Dec 28,2013 Hargeysa(SM)-Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya mudaharaad hargeysa Ka socda ayaa sheegaya in uu xaafada oktoobar ku dhintay nin cadayle ah oo ay haleeshay rasaasta ay boolisku ridayaan.

Waxa xaafadaha siinaay, oktoobar, maxamed mooge iyo calaamadaha Ka dhacaysa rasaas xad dhaaf ah oo ay booliisku u ridayaan si qayral caadi ah, iyadoo la moodo in ay la dagaalamayaan cadaw ku soo duulay.

Madaxweyne Siilaanyo xukuumadiisa ayaa xal mooday halkay dadka biyo ka siin lahayd in ay rasaas ugu jawaabto, iyadoo gobolo ka mid ah xuduudeeda oo lala wateegay aan xabad rasaas ah kala hor tagin.banaanbax

Dhibaatada saaka Hargeysa la taaagan waxa sababay lacagta ay xukuumaddu dadka masaakiinta ah maalin walba la saarayo iyadoo baahiyihii aasaasiga ahaa oo ay biyuhu kow ka yihiin aanay gaadhin xaafadaha ugu badan ee koofurta Hargeysa.

Salaanmedia/ Hargeysa