Wasiir cukuse istijaabi dedaala kuma hadhin ee hayska xoogsado!!

maqaal

Wasiirka warfaafinta mudane c/laahi maxamed daahir cukuse ayaa la yimid dedaal balaadhan oo uu kaga dhiidhiyay sida qiimo darada ah ee uu maareeyaha TV ga khaddar cali gaas u kala fadilay shaqaalihii u sinaa ee uu masuulka ka wada haa ee uu qaarna 1000 dollar mushaharka uga dhigay qaarna uu 100 dollar u qoray iyaga oo hal shaqo oo isku mida wada haya! arintaas oo niyad jab xun ku reebtay shaqaalihii TV ga qaranka u shaqaynayay taas oo saamayn xun ku yeelatay tayadii iyo barnaamishyadii uu TV gu soo saari lahaa! waayo waxa laga shaqeeyaa niyada,

waxa dhacday in uu ka hormariyay nin aqoon xirfadeed oo saraafadeed leh oo mudo shaqaynayay inuu hoos geeyay mid TV ga reer nimo ku yimid oo uu ku naas nuujiyay! wasiir cukuse isaga oo mihnadiisuba ahayd saxaafada oo waayo aragnimo dheeraad ah u leh shaqada uu wasiirka kayahay ilaahayna uu hibo u siiyay aftahanimo dheeraada mudana ka tirsanaan jiray ururka saxaafada Somaliland madaxna ka soo noqday ayuu waxa uu u adkaysan kari waayay inuu korkaas ka daawado sida bahdilka ah ee uu khaddar cali gaas ula dhaqmay shaqaalihii uu mudo la soo shaqayn jiray ee waayo araga ahaa!

waxa uu maga caabay wasiir cukuse gudi shan xubnood ka kooban oo uu ka mid yahay khaddar cali gaas oo uu ugu talo galay inay soo qiimeeyaan qof kasta oo shaqaale ka ah wasaarada warfaafinta xirfadiisa iyo kaalinta shaqo ee uu wasaarad u hayo iyo mushaharka uu qaato inuu u qalmo iyo in kale! kadib markii ay aad iyo aad u badatay cabashadii shaqaalaha wasaaradu! gaar ahaan kuwa TV ga jooga,

agaasime khaddar cali isagu waxa uu ka mid ahaa masuuliyiinta warqada wasiir cukuse u saxeexay ee shaqada baadhista loo diray ee ku dhaaratay inay si daacada hawshaas loo diray ee ku saabsan hubinta iyo tayada iyo mushaharka shaqaalaha ay daacad iyo dhax dhexaad ka yihiin! oo uu si garsoora u fushanayo hawshan wasiirku u igmaday!,

waxa uu macalin abwaan gaariye ILHN  yidhi nin dawoo la leeyahay danbi uu badh leeyahay xalka doon la leeyahay isagay u darantoo inuu daaro ma ogola deebaaqda mililka leh! wasiir cukuse nacasnimo iyo doqoniimo kamay ahayn inuu khaddar ku daro gudida laakiin waa xirfad maamul oo uu ugu talo galay bal inuu caqli la yimaad oo uu saxo khaladkiisa intaan isaga qoorta lasoo qaban oo uu jaanis siiyo!, somalid ayaa tidhaahda doqonta usha agteeda ayaa lagu dhuftaa haday garanweydana marka danbe yaa iyada lagu dhuftaa!,

nasiib daro khaddar muu garanwaayin sida xirfadaysan ee uu wasiir kiisu ula dhaqmay ee waxa uu noqday gardaro garab og! markii gudidii uu la shaqaynayay dibada soo dhigtay wixii uu walaaqay ayuu ku cararay madaxtooyadii uu isku halaynayay ee markii horeba isaga oo aan shaqadan aqoon, waayo aragnimo, karti iyo masuuliyadba aan u gudan Karin u dhiibtay! taas oo uu magacaabistiisa ka danbeeyaybaashe cawil xaaji ducaale oo ina siilanyo qaba oo ay u dhaxday! waxa laysula tegay madaxweyne siilanyo oo ay hore u sii jilcisay wasiirka wax barashada samsam oo ay qoys hoose yihiin khaddar cali gaaswaxa kale oo madaxweyne siilanyo how geliyay oo markhaati beenaale uga dhigay si umada idha sarcaad loogu sameeyo nin maxamuud dheere layidhaah oo hanti dhowrka jooga oo shaqadiisii laga dhigay shaanbad lagu macaaneeyo wixii lasii kharibayo si loo yidhaah meesha hanti dhowr ayaa galay oo waxa wasiir cukuse sheegay waxba kama jiraan!

waxa kale oo khaddar cali isku xidh xidhay oo uu hawl geliyay ragii markii horeba meesha keenay ee uu la wadaagi jiray hantida TV ga ku baxda ee miisaaniyad ahaan ka badan labada aqal baarlamaan oo aysku daray miisaaniyadooda taas oo uu dhawaan inoo xaqiijiyay gudoomiyaha baarlamaanka c/raxmaan ciro! ragaas oo uu ka mid yahay baashe cawil xaaji ducaale,

hadal iyo dood dheer oo uu soo diyaarsaday wasiir cukuse madaxweynaha hortiisa oo uu ku sharaxay sida foosha xun ee uu khaddar u musuq maasuqay hantidii qaranka uguna kala eexday shaqaalihii u sinaa ee masuulka looga dhigay waxay ku soo geba gebowday in madaxweyne siilanyo amar ku siiyo in madaxweyne kuxigeenkiisu mudane salyici uu u gelbiyo xafiiskii uu qufulka ka saaray wasiir cukuse! halkaas waxa ku soo afjarmay rajadii iyo yididiiladii ay qabeen shaqaalaha wasaarada iyo ka TV ga qaranka oo si isku mida u nacay sida qaawan ee maareeyaha TV gu u kala fadilay shaqaalaha u siman ee xoogsatada iyo xirfad yaqaanka ah ee aan siyaasada shaqada ku lahayn!,

hadaba waxaynu leenahay wasiir cukuse istijaabi dedaala kuma hadhin ee hayska xoogsado! mar dabe yaanu shaashadaha TV yada la soo fadhiisan madaxweyne siilaanyo ayaa qaranka wax u qabtay oo dadku u simanyahay shaqaale iyo shacaba! waxaanu leenayahy wasiir cukuse kolay sidii wasiir boobe Yusuf ducaale go,aan adag maqaadan kartid oo isma casili kartide hadalka yarayso oo shaqada wasaarada inta aan TV ga ahayn ku ekoow yaanay seefta baashe moorgan ku qaadane!.

aadan xamed nuur