Wasiir M. C/laahi Oo Sheegay In Waayo Aragnimo Uu Ka Dhaxlay Hogaaminta Siyaasada Khaarajigu Ay U Sahashay Inuu Dunida Si Fudud Ugala Xidhiidho Maalgashiga S/land

(SM-Hargaysa) Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay inuu khibrad iyo waayo aragnimo badan ka dhaxley mansabkii wasaarada arrimaha dibada ee uu mudada hogaaminayey, kaas oo tilmaamay inay u fududaysay inuu xidhiidho dhaw la yeesho maalgashadayaasha caalamka, isla markaana uu si wanaagsan ula macaamilo.

 

Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Haatuf, kagana xog-waramay ujeedada booqasho ay dalka ku yimaadeen masuuliyiin ka socda shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo magaceeda la yidhaahdo Oliver Shore Company oo uu xusay inay maalgashanayso Beeyada uu qaniga ku yahay gobolka Sanaag ee Somaliland.

 

Wasiirka Ganacsiga Maxamed C/laahi waxa kale oo uu si adag u deedefeeyey warar ay ka baahisay idaacada Shabeelle ee Somalia oo uu tibaaxay inay ka qoreen warar aan sal iyo raad-toona lahayn, isla markaana aan xaqiiqada ku salaysnayn.

Ugu horayna isaga oo wararkaas uu laga baahiyey ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa ay baahisay Idaacadda Shabeelle le yidhaahdaa waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo aan xaqiiqada ku fadhiyin, anigu mana ogi wariyayaal lagu xidhay Somalia iyo meel lagu xidhay iyo waliba sabab lagu xidhay  mid toona, arintaasina wax anaga xukuumad ahaan iyo shaqsi ahaan iyo Somaliland ahaan noo yaalana maaha, hase yeeshee qolo isku sheegay inay ka socdaan Idaacad ay Somalia leedahay ayaa telefoon ii soo diray aniguna sidii ii caadada ahayd waan qabtey oo badanaa telefoonkayga shaqada waan qabtaa numberkasta oo uu yahay, ninkaas ila soo xidhiidhay waxa uu wax iga waydiiyey arimo ku taxaluqa qaranka Somaliland iyo qawaaniinta saxaafadda dalkaba leh iyo waliba arimahaas ay sheegeen ee dadka xidhan ah markaa waxa aan u sheegay in arintaasi tahay mid aan anaga na khusaynin inaanu ka hadalno, hase yeeshee ay Somaliland leedahay sharci warbaahinta haga, isla markaana ay saxaafada wadankayaguna ay xor tahay ilaa inta sharciga u ogol yahay, wixii had-gudubyo ah ee halkaas ka soo baxana ay Somaliland qawaaniin u leedahay, markaa arintaas ayaan kala hadlay laakiin waxan ay soo qoreen ee ay sheegeen inaan dawladda Somalia ka dalbaday in dad xidhan la siiyo oo aan lagu tacadiyin, arintaasi waa arin aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah”.

Wasirka Ganacsiga Dr Maxamed C/laahi Cumar isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya shirkad dalka u timid si ay u maalgashato khayraadka wadanka, waxa uu yidhi “Shalay waxa dalka yimid shirkad Maraykan ah oo ka dhisan gobolka California oo danaynaysay oo lagu magacaabo Oliver Shore Company oo danaynaysa inay maalgashato wax soo saarka xaga Beenyada iyo xabkaha ee Somaliland oo sida aynu ognahay beenyadu waxay ka mid tahay khayraadka dabiiciga ah ee qaybo dalkeena ka mid ahi uu qaniga ku yahay khaasatan gobolka Sanaag. Mida kale markii aanu samaynay xafiiska maalgashiga ee Somaliland shiraa’ig badan dunida ka dhisan ayaa nala soo xidhiidhay oo Yurub leh oo Maraykan leh oo Carabta leh, markaa shirkadahaas ayey ka mid ahayd oo way noo timid oo waanay noo timid markaa mashruucoodii iyo hindisahoodiina way noo soo gudbiyeen, waxaanay noogu muuqdeen mid la jaanqaadaya siyaasada horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, sidaas awgeedna shirkadaasi waxaanu ku soo dhawaynay dalka oo waxa aanu imika ku hawlanahay diwaangalinteedii iyo sidii ay dalka uga hawlgali lahayd si ay wadanka uga soo saarto beenyo ama xabag si markaas loogu iibgeeyo dalalka Maraykanka iyo guud ahaanba reer galbeedka.

Shirkadaasi markii aanu shalay kulanayba hawlaheedii way gashay oo waxaanu u amba-bixinay gobolka Sanaag oo ay u kaxeeyeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, waxaanay gobolkaas u tageen sidii ay hawsha sida ugu macquulsan loogu soo qiimayn lahaa”.

Dr Maxamed C/laahi Cumar mar wax laga waydiiyey faraqa u dhexeeye xilka wasaaradda ganacsiga iyo kii uu hore u hayey ee wasiirka khaarajiga, waxa uu yidhi “Mudadii dheerayd ee saddexda sano ahayd ee aan Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland ahaa waxaan isleeyahay waxaad qarankan u qabatay hawlo waawayn oo dhaxal-gal ah oo khuseeye shaqadii aan qaabilsanaa ee arrimaha dibada iyo magaca ay maanta Somaliland ku leedahay beesha caalamka, sida qadiyada dalkan maanta dunidu u aragto iyo guud ahaan xidhiidho iyo saaxiibo wanaagsan oo Jamhuuriyadda Somaliland yeelatay mudadii ay xukuumadda Kulmiye ee uu hogaaminayo Madaxwayne Siilaanyo ay talada dalka haysa, waxa kale oo jira oo aan isleeyahay qayb wayn baad ka qaadateen dhamaadka xiligii aduunyadu indhaha ka qarsanaysay xaqiiqada iyo madaxbanaanida Somaliland, laakiin aniga oo ka faa’idaysanaya xidhiidhkaa aan aduunka la yeeshay mudadii aan ahaa wasiirka khaarajiga ee xaga dhaqaalaha lahaa ee xaga siyaasada lahaa ee xaga nabadgalyada leh ayaa ii suurta-galiyey inaan waxwayn ka tari-karo xilkan aan hada qaranka u hayo ee Ganacisga iyo maalgashiga caalamiga ah oo aan run ahaantii filayo inaanu ka wasaarad ahaan door-laxaadle ka ciyaarno dedaalada lagu kobcinayo dhaqaalaha dalkan , iyada oo aynu ognahay in horumarinta dhaqaalaha Somaliland inuu u baahan yahay xidhiidho caalami ah oo dunida lala yeesho, markaa waxaan isleeyahay waayo-aragnimadii iyo khibradii aad ka dhaxashay siyaasada khaarajigu kuwo kuu sahlaya inaad dunida kala xidhiidho sidii loo maalgashan lahaa dalkeena Somaliland oo run ahaantii aan rajo fiican ka qabo inay dunidu inoo timaado oo ay Wadankan maalgashadaan shirkadahoodu.waxaana  ii qorshaysan inaanu Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigno dal u furan ganacsiga, isla markaana ay baanan iyo shirakado ajanabi ahi ay soo degaan si shaqo abuur badan aynu uga helno oo dalkanina u noqdo mid dhaqaale ahaan iyo nabadgalyo ahaanba isku filan, markaa taas ayaa aniga wakhtigan ii ah bartilmaameed hadii Ilaahay ila garabgalona aan jeclahay inaan ka midho dhaliyo”.

Xigasho Haatuf.

 

Salaanmedia/Hargaysa