WASIIR XIRSI IYO XEELADA CUSUB: WADADA CERIGAVO

Wasiir-xirsi

Wasiir Xirsi waa nin   xarfad iyo xeelad badan. Waa caqliga  u fekera  Kulmiye  ” Master strategist “.  Si uu  damiyo dabka ku baxaaya  Madaxwayne Siilaanyo, wuxuu bilaabay ololoha  Wadada Burco-Cerigavo. Wuxuu joojiyay taageeraddii loo fidin  jiray dhamaan wadooyinka  dalka ka socday sida :

Dawga Cad; Hargeisa –Salaxlay; Hargeisa-Baligubadle; Dilla-Borama, Odweina-Burco; iyo qaar kale oo badan. Wuxuu yimid dalka UK oo lacag badan uu ka uruuriyay. Iminkana  wuxuu soo diray wejiyo cusub oo Europe ku wareegaaya, lacagna uruursanaya. Sida la ogyahay, lacagtaasi waxay ku shubmaysaa jeebka Wasiir Xirsi & Kulmiye . Xisaab cadna looma hayo.  Hadaba dadka horumarka jecel, waxa haboon inay taageeradda dhaqaale  u diraan Guddiyadda loo xilsaaray ee ka jira waddanka gudaheesa. Waa inay ka digtoonaadan Wasiir Xirsi iyo Xeelada Cusub.

 

Eng Abdi Dahir, Hargeisa