Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Socdaal Ugu Baxay Waddanka Ingiriiska.

warancade

(SM:Hargaysa)  Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaa Somliland Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa shalay socdaal  ugu kicitimay dalka Ingiriiska.

 

Wasiir Warancadde oo ka mid ahaa weftigii Madaxweynaha ee gobolka Gabiley booqashada ku maraayey, ayaa shalay gelinkii hore si kedis ah uga soo laabtay socdaalkaasi, isaga oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargaysa, Wasiirka ayaan faah faahin ka bixin u jeedada safarkiisa.

Ma jiro war ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo ku aaddan safarka wasiirka, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa xilligii uu ka dhoofaayay garoonka diyaaradaha Magaaladda Hargaysa, wuxuuna saxafiyiin ku sugnaa garoonka u sheegay inuu u socdaalaayo dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Salaanmedia/Hargaysa