XAFLAD CASHA SHARAFEED AH OO LAGU SOO GUNAANADAY LOOGUNA MAHADNAQAY GUDDIDII HEER QARAN EE DEEQ URURINTA WADDADA CERRIGAABO-BURCO….

3

XAFLAD CASHA SHARAFEED AH OO LAGU SOO GUNAANADAY LOOGUNA  MAHADNAQAY GUDDIDII  HEER QARAN EE DEEQ URURINTA WADDADA CERRIGAABO-BURCO IYO SHAHAADO SHARAFYO LA GUDOONSIIYEY XUBNIHII GUDDIDA, OO LAGU QABATAY HILTON TOWER BRIDGE HOTEL 15KII DEC. 2013

11

Xubna ka mida bulshada reer soomaliland oo degan magaalada London ayaa xaflad casho sharaf, sagootin iyo mahad-celin isugu jirta ku qabtay  hoteelka Hilton ee kuyaala Tower Bridge ee badhtamaha magaqalada London. Casha sharafta waxa kale oo ka qayb galay wasiiro Heer qaran oo ku sugnaa wadankan Igriiska iyo marti badan oo isugu jirta rag iyo haweenba.

4

Cashada ka bacdi, guddidu waxay warbixin kooban ka bixiyeen hawlihii ay beryahanba ka wadeen Yurub ee deeq ururinta waddada ceerigaabo–Burco.  Deeqdaas oo baaxadeedu tahay  7.7M USD marka laysku daro. Guddida oo boqday magaalooyinka UK iyo wadamada Yurub sida Norway, Sweden iyo Holland oo ay isugu yimadeen Neitherlands, Germany iyo Belgium.

5

Guddidu waxay si gaar ah ugu mahad celiyeen soo dhoweeytii qimaha badnayd ee ay shacabka reer Somalland  ufidiyeen meel kastooy booqdeen rag iyo haweenba.  Waxay kaloo aad iyo aad ugu mahad naqeen  dadweeynihii  sida qalbiga furan ulaa qaatay qaadhaankii laysla gartay meel walba,  bahda saxaafada oo iyaguna qayb laxaadleh ka qaatay wacyi gelintii iyo duubistii shirarka khaasatan TVga Qaranka iyo doorkii ay ka qaateen  danjirayaasha  UK, Sweden, Norway iyo Belgium oo si hagar la’aan ah ula kaabay hawshii ay guddidu wadey.

9

Waxaa Wasiiradii Qaranku guudoonsiiyeen shahaado sharaf  Wasiir Osman Abdullahi Saxardiid (Cadani), Xildhibaan Ali Obsiye Diriye (Gebiley), Marwo Ilhaan Mohamed Jama iyo Marwo Sacdiya Musse Ahmed.

SAYNAB CALI WARSAME

FAARAX CALI CIGAAL

2

33

Salaanmedia/London