Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi “Bidhi” oo Burco dib ugu soo noqday ka dib safar dibada ah.

 

December 22, 2013

mubarik

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi “Bidhi” oo kamid ah xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Burco in mudaaana ka maqnaa qurbaha ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada Burco

Waxaana soo dhaweyntiisan ka qayb qaatay maamulka gobolka kuwa degmada Burco cuqaal waxgarad haween iyo gadiid tiro oo kaga hortagay degmada qoyta oo hilaadii 18 km dhinaca waqooyi ka ga beegan magaalada burco waxaana ay u soo gelbiyeen shaaricyada iyo jidadka halboolaha u ah isu socodka gadiidka ee burco halkaas oo dadweynuhuna ku dhawqaayee erayo gacaltooyo ah oo ay ku qaabilayaan xildhibaan mubaarig yuusuf cilmi ugu danbayntina waxay ku biya shubteen dawlada hoose

Gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer maxamed maxamuud yuusuf ubaxley mayirka magaalada burco maxamed muraad ku xigeenkiisa muxumed xsan xoday iyo qaar ka tirsan xildhibaanada burco ayaa kalmado soo dhaweyn ah ku qaabilay waxaana hadaladoo kamid ah

 

Xildhibaan mubaarig yuusuf cilmi bidhi ayaa isaguna ka mahad celiyay soo dhaweyn muga iyo misaanka leh ee maanta lagu qaabilay waxaana uu qalab casri ah oo loogu talagalay in lagu ogaado dhalaada bilaha ciidaha iyo ramadaanta oo muarn ka dhasho ku wareejiyay duqa degmada burco waxaana uu geesta kale u keenay ciidanka bilayska ee dawlada hoose agab iyo dirayso casir ah oo loo wada qushuucay waxaana hadaladisii kamid ahaa

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa bulshada reer burco maamulka gobolka dawlada hoose ururka now cuqaasha xildhibaanada degaanka burco iyo dadweynaha kale ee sida sharafta leh isoo dhaweeyay waxaa idiray golahan degaanka ee aan ka tirsanahay waxaan ku maqaaa hawl dan u ah bulshada burco iyo mida guud ee Somaliland waxii aan sidayna waad arki doontaan waxaan halkan sidoo kale uga mahad celinayaa jaaliyad weynaha reer uk ee sida xushmada leh isoo dhaweeyay markaan tegay “

Mar uu ka hadlaayay qalab casri ah oo uu keenay degmada burco ayaa uu yidhi”waxaa ii sharaf ah inaan manta ku wareejiyo maamulka dawlada hoose iyo odayga burco qalabkan oo loogu talagalay in lagu eego dhalashada bilaha ramadaanta iyo iidaha taasi oo meesha ka saari doonta murankii ka dhalan jiray”

Soo Dhaweyntan Balaadhan Ee Xildhibaan Mubaarig Yuusf Cilmi Lagu Qaabilay ayaa Ahayd mid si weyn u abaabulan oo la dareemay magaalada burco.

Salaanmedia/Burco