Xisbiga UCID oo Digniin Culus u diray Xoghayihii Guud ee Hore Axmed Keyse

Waxa mareegta Salaan media heshay nuqul ka mid ah digniin culus oo ay u direen xoghayihii guud ee hore ee xisbiga Ucid Axmed Keyse Adan Ismaaciil kaas oo waxba kama jiraan ka dhigaysa wararkii hore loo shaaciyay ee ahayd in xubinimadii xisbiga laga qaaday Axmed Keyse.  Laba warsaxaafadeed oo isla taariikh ka soo baxay sida ku cad qoraalada ayaa sheegaaya in ujeedada digniinta loo siiyay Axmed Keyse ay tahay ka dib markii uu taageeray eedeynta xukuumadda u jeedisay Mudane Nickolas Kay iyo in uu ka hor yimid Siyaasadda Xisbiga Ucid ee Dooda Qaran.  Axmed Keyse oo aanu la xidhiidhnay waxa ay kala yihiin labada warqadood ayaa noo xaqiijiyay in nuqulka digniinta ah ee ku saxeexan yahay Gud. Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mudane Cali Maxamed Yusuf uu sax yahay balse uu ka jawaabi doono eedahaasi.   Tii hore ee ku saxeexnaa Xuseen Xasan Badmaax waxa ay ka sii hor degaysay qoraalkan digniinta mana ahayn mid wax ka jireen.KAYSE NEW

 

Qoraalka oo dhameystiran waxa aad ka akhridaa lifaaqan.
Salaan Media Hargeysa