Xisbiga UCID Oo Si Kulul Ugu Cambaareeyay Xukuumadda Xadhiga Xaqdarada Ah Ee Ay Kula Kacday Wariyeyaashii Cabashada Muujiyey

ucDec 3, 2013 Hargeysa(SM) – Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Xisbiga Ucid ayaa waxa ay si kulul ugu cambaareeyeen Xukuumadda xadhiga ay kula kaceen wariyeyaal u mudaharaadayey si Salmi ah kuwaas oo ka cabanayey Ninkii gadhwadeenka ka ahaa Weerarkii Toddoba bilood ka hor lagu soo qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal oo dhawaan Xukuumaddu kaga sii daysay Xabsiga si bilaa shuruud ah. Warsaxaafadeedkan uu soo saaray Xisbiga Ucid oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada Cadceed News ayaa u dhignaa sidan:

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 03/12/2013 uu war Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah ee loo geestey Wariyayaal Si Salmiya U Muujinayey Cabasho Ay Ka Qabaan Nin Horaantii Sanadkan Soo Weeraray Wargeyska Hubaal Oo Xukuumadu Xabsiga Ka Sii Daysey Iyada Oo Aan Cadaalada La Marin Isla Markaana Aan Dhibanayaashii Wargeeska Hubaal Waxba Laga Ogeysiin

Wariyayaashan Oo Tiradoodu Tahey 4 Wariye Oo Ka Hawlgala Warbaahinta Madaxa banaan Ee Caasimada Hargeysa

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Qabaa In Xadhiga Wariyayaashani Uu Yahey Mid Lagu Sadqeynayo Xoriyotul Qawlkii Qarani 22 Sanadood Ku Soo Caano Maaley Isla Markaana Lagu Wax Yeelaynayo Nidaamkii Dimuqraadiga Ahaa Ee Aynu Dhawreyney

Xisbiga Ucid Wuxuu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah Isla Markaan Arxan Darada Ah Ee Lagu Gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Madaxa Banaan Ee Jamuuriyada S/land

Xisbiga Ucid Waxaa Uu Xukuumada Ku Waaninayaa Iney Iska Dayso Dhaqan Cusub Oo Maalmahan U Danbeeyey Miciin U Noqdey Dhaqankan Cusub Oo Ay Ka Mid Tahey Cabudhinta,Cago Jugleynta,Handidaada,Hanjaabada iyo Xadhiga Oo Ay Ku Hayso Xisbiyada Mucaaradka Iyo Saxaafada Madaxa Banaan

Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadooda Ugu Soo Celiso Wariyayaashaa Xaqdarada Lagu Xidhey Isla Markaana Raali Galin Ka Bixiso Soona Xidho ninka Ay Sharci Darada Ku Sii Deysey Ee Warkeyska Soo Weerarey Waxyeeladana Geystey

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse Alaahi