Xoogag Shabaab oo galabta dilay shan kamid ah Saraakiisha Booliska ee Degmada Libooyo Kenya

 

alshabaab
Wararka laga helaayo Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa waxay sheegayaan in Xoogaga Shabaab ay galabta ku weerareen kolonyo, ay la socdeen Ciidamada Booliska ee Kenya.

Weerarkaan, ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeyso Degmooyinka Libooyo iyo Dhadhaab, gaar ahaan dhinaca soo xigta Libooyo, wuxuuna weerarka uu u muuqday mid qorsheysnaa.

Warar kala duwan, ayaa waxay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarka galabta ka dhacay Degmada Libooyo Kenya, laakiin Saraakiil u hadashay Dowladda Kenya, ayaa waxay sheegeen in halkaasi looga dilay shan kamid ah Saraakiisha Booliska ee Libooyo.

General Samuel Arachi, oo ka tirsan Saraakiisha Booliska ee Kenya, ayaa Jariirada Capital FM ee dalka Kenya u sheegay, in shan nin oo ka tirsan Saraakiisha Booliska ee Kenya lagu dilay weerarkaan, oo uu ku eedeeyay in ay geysteen Ururka Al Shabaab.

Sarkaalkaan, ayaa sheegay in weerarkaan uu ka dhacay Deegaanka Cali Kabey, oo ku yaala inta u dhaxeyso Libooyo iyo Dhadhaab, wuxuu sidoo kale sheegay in raggii soo weeraray ay ka dileen seddex kamid ah.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Cali Kabey, ayaa waxay sheegeen in sidoo kale ay weerarkaan ku dhinteen laba kamid ah dadka Deegaanka, kadib markii ay haleeshay rasaastii leesku adeegsanaayay.

Si kastaba ha-ahaatee waxaa caawa deggan xaalada Deegaanka Cali Kabey, ka gadaal markii ay soo gaareen Ciidan fara badan oo ka tirsan, Ciidanka Militariga ee Kenya ee ka hawlgala Xuduuda.

Salaanmedia/ Hargaysa