Xubin ka Tirsan Gudidii Madaxweyne Siilaanyo u soo Xilsaaray Xalinta Khilaafka Wasaarada Warfaafinta oo Kulan hor dhac la qaatay shaqaalaha Warfaafinta

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Mudane Maxamed C.laahi Cumar oo Xubin ka ah Gudi ka Kooban Sadex Wasiir oo Madaxweynaha Somaliland u soo Xilsaaray inay soo dersaan Cabashada ka taagan Wasaarada Warfaafinta ayaa maanta kulan la qaatay Shaqaale Weynaha Wasaarada Warfaafinta .
Wasiirka Ganacsiga ayaa sheegay in Madaxweynuhu danaynayo wax ka qabashada dareenada ay Tirsanayaan Shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu isla markaana uu hor dhac u yahay Gudidan oo ay Wehelin doonaan Wasiirada Hawlaha Guud iyo Xanaanada Xoolaha waxaanu intaas ku daray inay balan qaadayaan in sida ugu dhakhsaha badan ay u soo afjaraan tabashada Shaqaalaha.
Mudane Maxamed C.laahi Cumar waxa uu balan qaaday in Gudidooda oo isku dhan ay hawshan loo soo igmaday bilaabi doonaan Beri oo arbaca ah Gelinkeeda danbe
Kulankaas waxaa ka hadlay oo kale Wasiirka Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo sheegay in shaqaalaha looga baahan yahay inay Anshaxa Saxafinimo ilaaliyaan.
Halkan ka Dhagayso Hadalkii Wasiirka Ganacsiga iyo Balanqaadkiisiiba.

Screenshot-Uuuuuuuuu.wmv-1