Xukumada Somaliland oo Jawaab kulul ka Bixisay Qoraal ka dhan ah Somaliland oo loo Gudbiyey Qaramada Midoobay

P1050977-400x300

Hargeysa-(SM)-Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Mowliid Maxamuud Ibraahin ayaa Jawaab Kulul ka bixiyey Qoraal ka dhan ah  Dalka Somaliland oo Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Nickolas Key uu u gudbiyey Qaramada Midoobay.

Qoraalkaasi oo ku saabsanaa in Xukumada Somaliland ay Xidhay Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ahna Guddomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxman Maxamed (Cirro) iyo in xukumadu ku hayso cabudhin iyo cagajugleeyn warbaahinta Madaxbaan iyo Xisbiyada Mucaaridka.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in qoraalkaasi aanay waxba ka jirin oo Somaliland laga been abuuray warar aan jirin, waxaanu Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Nickolas Key uga digay in uu cadeysto wararka ka dhanka ah Somaliland.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Mar uu warbaahinta ugu warameyey Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.”

Salaanmedia/Hargaysa