XUKUUMADII SIYAAD IYO TAN SIILAANYO MAXAY ISKAGA MID YIHIIN.

XUKUUMADII SIYAAD IYO TAN SIILAANYO MAXAY ISKAGA MID YIHIIN.
MAQAAL
1) Awood sheegasho iyo Keli talisnimo.
2) Cabudhinta Codka Shacabka.
3) Cabudhinta Saxaafada.
4) Boob iyo Dhac baahsan, oo Cashuurta Masaakiinta iyo Deeqaha la soo siiyo si wax loogu qabto lagula kaco.
5) Isku dirka iyo soo kala dhoweysashada Beelaha.
6) Qaraabada iyo Xigaalkoo xoolaha Masaakiinta lagu sooryeeyo. Xilal awood badana gacanta loo geliyo.
7) Qofkii ka hadla waxa wadanka ka jira amaba yidhaahda waar ka daaya oo la handado ama la xidho.
8) Xadhiga Muwaadiniin aan waxba galabsan oo xabsiga la iskaga hayo Maxkamad la’aan.
9) Dil iyo Barokicin joogto ah oo bulshada iyo Aqoonyahanada lagu khasbo inay wadanka ka haajiraan.
10) Awooda iyo Dhaqaalaha wadanka oo ay ku takrifalaan Xigaalka iyo Xigtadu.
11) Isla saxsanaan aan loo jeedin waxa ka khaldan iyo in Foolxumo faraha lagula jiro.
12) Xaaraan iyo Xatooyo Cunis laguna quudiyo Xaasaska iyo Caruurta yaryar ee ay dhaleen een garanayn in waxan la liqsiinayaa yihiin wax Aakhiro waalidkood la weydiin doono.
13) Sharciga Dastuuriga ah iyo Kan Diinta oo la baal-maro.
14) Xukun iyo Xil jacayl.
15) Dadka inta Xun oo la soo dhoweysto inta wanaagsan iyo waxgaradkana la iska riixo.
16) Isu-bogid, Isla-saxsanaan, isla-weyni iyo Dadkoo in laga wada caqli badan yahay la isu moodo.
17) Amaan jecayl iyo Faan jecayl.
18) Da’. Way iska agdhow yihiin.
19) Samaysasho Ciidan khaas ah oo dadka iyo dalka lagu baabi’iyo, laguna cabudhiyo. “Koofiyad Cas/ RRU”.
20) Waxa yar ee la qabto oo markasta laga hadlo, laguna faano iyadoon waxii la kharibay ama la burburiyeyna loo jeedin.
21) Samaynta Magacyo isku mid ah ” Moorgan iyo Xoosh”. Magacyadan Siyaad waxuu sameeyey markuu xukunka hayey 18 Sano. Balse Siilaanyo waxuu sameeyey 14 Bilood oo qudha markuu xukunka hayey.
22) Qof iyo Qabiil Nacayb.
23) Garsoorkii Wadanka iyo Auditor-kii oo Awooda laga xayuubiyo.

Halkaas aan ku joojiyo Maanta. La Socda qaybaha kale ee soo socda.
Akhriste Xog ururintan ka qayb qaado oo fikirkaaga ku soo dir emailkaygan.

ismahmed435@gmail.com

Hadaan maanta isu tilmaami weyno waxa innaga khaldan goormaynu isu sheegi doonaa?.

Muhiimada Qoraalku ma ahan Cay iyo Aflagaado toona balse waa Saxid iyo wax isu sheegid.

Ismail Ahmed Farah
Ismahmed@gmail.com